Xasan Sheekh oo lagu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo

Image
Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa fahfaahin dheeraad ah waxay ka bixisay ujeedada socdaalka madaxweynaha.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa uu soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee dowlad goboleedka Jubaland.

Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam iyo boqolaal ka mid ah shacabaka magaalada Kismaayo, ayaa soo dhaweeyay wafdiga Xasan Sheekh.

Madaxtooyadda Soomaaliya oo qoraal kooban kasoo saartey socdaalka Xasan Sheekh ayaa sheegtey in ujeedadu tahay "dardar gelinta wajiga labaad ee xoreynta dalka".

"Madaxweynaha ayaa u kuur-galaya xaaladda deegaannada Jubbaland, isagoo mudnaan siinaya dardar gelinta wajiga labaad ee xoreynta dalka oo qorshuhu yahay in argagixisada Alshabaab laga saaro deegaannada ay ku dhibaateynayaan shacabka Soomaaliyeed ee Jubbooyinka, Shabeellada Hoose, Bay iyo Bakool," ayay tiri Villa Soomaaliya.

Qoraalka ayaa intaas waxaa la raaciyey: "Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay Kismaayo waxa uu ka shaqeynayaa xaqiijinta Jubbaland heshiis ah, fidinta gogol mideysa dadka deegaanka iyo dhagaysiga talooyinkooda ku aaddan dowlad dhiska Soomaaliya iyo horumarka dalka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Weerar Qaraxyo ku billowday oolagu qaadey Masagawaa

Isgaarsiinta magaalada Masagawaa iyo deegaanno kale oo hoos taga ayaa xiran, taasoo sii adkaynaysa helitaanka xog madax-banaan.

  • Soomaliya

    25-01-2025

  • 09:43AM

Itoobiya oo ka walaacsan heshiisyada Soomaaliya la gashay Masar

Arrintani waxay keentay walaac ka yimid Itoobiya, taasoo ku eedeysay Masar inay fursad u helayso inay joogto militari ka sameyso Soomaaliya.

  • Soomaliya

    25-01-2025

  • 07:45AM