Xasan Sheekh oo shaaciyay in Turkiga uu Soomaaliya ka dhisayo saldhig dayax-gacmeed

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in saldhigan uu noqon doono mid laga tijaabiyo gantaalada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Turkiga ayaa gudaha Soomaaliya ka sameynaya xarun lagu tijaabiyo gantaalada, sida uu sheegay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud. Talaabadan waxay sare u qaadeysaa barnaamijka tijaabinta gantaallada riddada dheer ee Ankara.

"Mashruucan ayaa wax weyn ka tari doona shaqo abuur iyo dakhli soo gala qaranka," sida uu sheegay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho.

Meesha Soomaaliya ay ku taallo oo ah cirifka bari ee dhul weynaha Afrika ayaa ku habboon in loo toogto dhinaca Badweynta Hindiya iyada oo meesha ka saareysa in qashinku ku dhaco meelaha la deggan yahay iyo waddamada kale, sidda wargeyska Bloomberg uu sheegtay bishii Sebtembar.

Xarunta laga dhisayo Soomaaliya waxay horumarin doontaa rajada Turkiga ee ah inuu ku biiro tartanka hawada sare ee caado ahaan ay u badan yihiin quwadaha caalamka.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ma uusan shaacin goobta laga dhisayo mashruuca.

Turkiga ayaa ka mid ah quwadaha shisheeye ee fara ku tiriska ah ee xoojinaya xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya, iyadoo dalka Afrikaanka ah uu isku dayayo inuu dib u dhis ku sameeyo sanado badan oo dagaal beeleed ah.

"Aniga shaqsi ahaan waxaan aaminsanahay in muhiimada ay Soomaaliya u leedahay in ay martigeliso tartanka hawada sare ee dayax gacmeedka Turkiga ay xitaa aad uga muhiimsan tahay balaayiin doollar iyo fursadaha uu mashruucu dhalin doono," ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Tanzania: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema-saarka Samia Suluhu 

Guddiga doorashooyinka Tanzania ayaa ku dhawaaqay in Madaxweyne Samia Suluhu Hassan ay heshay 97.66% codadkii doorashadii Arbacadii.

  • Soomaliya

    04-11-2025

  • 11:36AM

Soomaaliya oo Ku Baaqday Xal Nabad Ah oo Lagu Dhameeyo dagaalka Sudan

Wasiir Omar iyo Safiirka Sudan ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimaha bani’aadamnimo, gaar ahaan xaaladda El Fasher.

  • Soomaliya

    03-11-2025

  • 01:33PM