Xasan Sheekh oo shirkad amni u sameystay shidaalka Soomaaliya

Image
Ciidamo si gaar ah loo tababaray ayaa waxaa la sheegay in ay qeyb ka noqonayaan shirkadan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay in maanta uu uu Xerada Balidoogle tababar ugu soo xirayo cutubyo kamid ah ciidamada kumaandooska Soomaaliyeed.

Cutubyadan oo ku biiraya kumaandooska loogu yeeray magaca Danab ayaa waxaa tababarkooda iyo qalabeyntooda si gaar ah u maalgelisay dowladda Mareykanka.

Dhanka kale, warar ayaa tibaaxaya in ciidamada loo xilsaari doono sugida ammaanka goobo laga qodayo shidaal ayna hoos-tagi doonan shirkad dhanka amniga ka shaqeysa oo uu si gaar ah u sameystay madaxwayne Xasan Sheekh.

Ciidamadan ayaa waxaa lagu waramay in ay si gaar ah usoo xulatay Madaxtooyadda Soomaaliya. Tani waxay abuurtey shaki xooggan oo ku aadan in loo adeegsan karo arrimo siyaasadeed taasoo mucaaradka ay walwalsan yihiin.

Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya hadana ah xubin ka tirsan Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Shariif Sheekh Axmed ayaa ka digay wax uu ku sheegay "ciidamadda uu sida gaarka ah u qortay Xasan Sheekh".

Tababarka uu madaxwayne Xasan Sheekh usoo xirayo ciidamadan ayaa waxa ay kusoo hagaagaysaa xilli dalka uu galay qalalaaso siyaasadeed oo ka dhashay fashil ku yimid Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka.

Burburka kulankan ayaa waxa uu ka dambeeyay markii madaxwaynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam uu ka biyo-diidey soojeedin ka timid Villa Soomaaliya oo ahayd muddo kororsi horleh oo maamulada helaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo wadahadal u bandhigay Somaliland, balse diiday gooni-isu-taag

Khudbad si adag u qornayd ayuu madaxweynuhu kaga digay faragelin shisheeye oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 08:21AM

Madaxweynaha Soomaaliya oo safar ku saabsan amniga Badda Cas ugu sii jeeda Sacuudiga

Ilo xog-ogaal ah oo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 07:34AM