Xasan Sheekh oo xil ergay ah u magacaabay Maxamed Cabdi Waare

Image
Waare ayaa wuxuu noqdey u soo noqdey hogaamiyaha maamul goboleedka HirShabelle.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u magacaabay Maxamed Cabdi Waare ergayga gaarka ah ee u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada.

"Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay Ergayga gaarka ah ee Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka Mudane Maxamed Cabdi Waare in uu xaqiijiyo gudashada waajibaadkiisa Qaran si looga fogaado in dhibaato ay soo gaarto dadka Soomaaliyeed xilliyada dagaallada," ayaa lagu yiri wareegto ay faafisay Villa Soomaaliya.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u magacaabay Mudane Maxamed Cabdi Waare ergayga gaarka ah ee u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada.

Madaxweynaha oo mudnaanta koowaad siinaya qorshihiisa xakameynta qasaaraha rayidka si aysan waxyeello uga soo gaarin dadka shacabka ah ee ku sugan goobaha ay ka socdaan howlgallada dalka looga sifeynayo argagixisada Al shabaab ayaa qeybaha kala duwan ee talisyada ciidamada Qalabka Sida ku adkeeyey in ay si dhow ula shaqeeyaan ergayga gaarka ah ee Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay Ergayga gaarka ah ee Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka Mudane Maxamed Cabdi Waare in uu xaqiijiyo gudashada waajibaadkiisa Qaran si looga fogaado in dhibaato ay soo gaarto dadka Soomaaliyeed xilliyada dagaallada, isagoo ku booriyey in uu ka shaqeeyo sidii ay deegaannada laga xoreeyey Argagixisada u heli lahaayeen maamul, xasillooni iyo adeegyo bulsho oo dhammeystirin.


Waare ayaa horey u soo noqdey hogaamiyaha maamul goboleedka HirShabelle intii u dhaxeysay 16 September 2017 illaa 2 November 2020. Magacaabidiisa ayaa imaanaysa xilli loo diyaar-garoobayo guluf ka dhan ah Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM