Xasan Shiikh: colaadda Deefow waa in si dhaqso ah lagu joojiyaa

Image

October 24, 2014 (GO)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay colaadda u dhexeysa beelaha ee mudooyinkii u dambeeyey ka aloosnayd deegaanka Deefow ee gobolka Hiiraan.

Isaga oo la hadlayey qaar kamid ah odayaasha iyo waxgaradaka gobolka Hiiraan kadib booqasho uu shalay ku gaaray magaalada Beledweyn, Xasan Sheekh wuxuu sheegay inay lagama maarmaan tahay in sida ugu dhaqsaha badan colaadaas looso afjaro.

" arintaan bar madow oo Hiiraan gaar ahaan Beledweyne ku taalla weeye...colaadda dhibaato maahee wax wanaag ahi kama dhasho waana in sida ugu dhaqsaha badan loosoo afjaro" Madaxweynaha ayaa yiri.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in mas'uuliyadda ugu weyni marka dowladda laga yimaado arintaas ka saaran tahay odayaasha iyo waxgaradka labada dhinac, maadaama iyaga looga fadhiyo khilaafka jira inay si dhaqso ah xal uga gaaraan.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa shalay booqday degmooyinka Ceelbuur iyo Beledweyne ee ka kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Galguduud, wuxuuna isla xalay dib ugu soo laabtay magaaada Muqdisho.

Waxaa xusid mudan in booqashada Xasan Shiikh ee degmada Beledweyne tahay tii saddexaad ee uu magaaladaas ku tago laga soo bilaabo markii uu xafiiska la wareegey September 16, 2012.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM