Xasan Shiikh: fursad labaad ayaan siinay xubnaha Al-shabab

Image

October 27, 2014 (GO) - Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in dowladu kordhisay waqtigii horay loogu qabtay xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee kooxdaas kasoo baxa in cafis loo fidin doono.

Isagoo maanta ka hadlayey munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda Gaashaan-dhigga ee Muqdisho oo lagu taageerayey guulaha ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwa AMISOM todobaadyadii u dambeeyey gaareen, Madaxweyne Xasan wuxuu sheegay in dowladdu lixdan maalmood ku kordhisay waqtidii cafiska.

Dhanka kale wuxuu sheegay in dowladda uu hogaamiyo ay ka go'an tahay sidii ciidamada qalabka sidaa daryeel iyo xuquuq fiican u heli lahaayeen, isagoo ballan qaaday in dhamaan baahiyaha ciidanka wixii la awoodi karo aan waxba laga hagaran doonin.

Hawlgalka loogu magac daray Badweynta Hindiya ayaa mudadii uu socdey ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwa AMISOM waxay ku guuleysteen inay la wareegaan deegaano badan oo horay kooxda Al-shabab uga talin jirtey.

Hadalka Madaxweyne Xasan ayaa kusoo aadaya xilli uu khilaaf xoogani soo kala dhex galay isaga iyo wasiirka koowaad ee xukuumadda Federaalka Cabdiweli Shiikh Axmed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM