Xeer ilaalinta iyo hanti-dhowrka Federaalka oo su'aalo la weydiiyey

Image

December 14, 2014 (GO)- Xildhibaannada Barlamanka Dowladda Federaalka ayaa maanta su'aalo weydiiyey xeer ilaaliyaha iyo hanti-dhowraha guud ee dowladda, kadib markii qaar kamid ah xildhibaanadu gudoonka Barlamanka ka codsadeen in labadaas mas'uul loo yeero.

Su'aalaha la weydiiyey Xeer ilaaliye Axmed Cali Daahir iyo Hanti-dhowre Nuur Jimcaale Faarax waxay u badnaayeen kuwo la xiriira amaro dhowaan xafiisyadooda si wadajir ah uga soo baxay iyo weliba xog waraysi ku aadan qaababka ay u shaqeeyaan baaritaanadana u sameeyaan.

Xeer ilaaliyaha guud ee Dowlada Federaalka oo isagu ugu horeyn golaha la hadlay ayaa ka warbixiyey sababaha ay amaradda cusub usoo rogeen kadib markii kalsoonida lagala noqdey xukuumadii Ra'iisul Wasaare Cabdiweli.

Wuxuuna sheegay inuu jirey baaritaan muddo dheer soo socdey oo lagu wadey qaar kamid ah wasaaradaha iyo hay'adaha dowlada hoos taga, sidaas darteed maadaama marxad kala guur ah la galay lagu khasbanaaday in amarro cusub lasoo rogo.

Wasaarado tiradoodu gaareyso sagaal iyo toban; iyo saddex hay'adood ayuu sheegay in musuq maasuq baahsan lagu helay, sidaas darteedna aan la ogolaan doonin in hantida qaranka xisaab la'aan jeebabka loogu shubto.

Hanti-dhowre Nuur Jimcaale ayaa isna iska difaacay eedeyn qaar kamid ah xildhibaannadu usoo jeediyeen, maadaama ay ku doodeen in shaqada hanti-dhowrka la siyaasadeeyey dhex-dhexaadna aysan ka ahayn khilaafkii soo kala dhex galay madaxda dowladda.

Jimcaale wuxuu sheegay in hanti-dhowrku yahay xafiis qaran oo madax banaan islamarkaana banaanka ka ah siyaasadda, waa sida uu hadalka u dhigaye.

La-xisaabtanka xeer-ilaaliyaha guud iyo hanti-dhowrka Dowladda Federaalka ayaa yimid kadib markii ay si wadajir ah u soo saareen amaro safarrada dibadda looga mamnuucayo mas'uuliyiinta xukuumaddii kalsoonida laga noqday xilalka ka hayey.

Sheki badan ayaa laga muujiyey sababta amarradan loogu soo beegay maalin kadib kalsooni kala noqoshada xukuumadda, go'aankaasoo qaar badan oo kamid ah dadka siyaasadda ka faaloodaa u arkayeen inuu ahaa mid madaxtooyada kasoo baxay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM