Xeer-ilaalinta Soomaaliya oo difaacdey xariga Cabdalla Axmed Muumin
MUQDISHO, Soomaaliya - Xafiiska Xeer-ilaalinta dowladda Soomaaliya oo qoraal kasoo saarey kiiska Cabdalla Axmed Muumin ayaa difaacay xariga xoghayaha ururka SJS kuna tilmaamay “baxsad”.
Saraakiisha xabsiga dhexe ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ee sii deysay ayuu tibaaxay in baaris ay ku socoto kiiskana uusan ahayn mid khuseeya arrin saxaafadeed.
HOOS KA AKHRISO BAYAANKA
Hay'adaha Amniga ayaa soo xiray Cabdalla Axmed Muumin ka dib markii uu ka horyimid go'aanka Dowladda ee la xiriiray Amniga Qaranka iyo dagaalka lagula jiro Khawaarijta, isla markaasna ku xad gudbay Qodobadda kala ah: 219, 321 & 505 ee Xeerka Cigaabta Soomaaliyeed & Qodobada 64 & 65 aad ee Shari No 005 ee 02/10/2017 "Sharciga Isgaarsiinta Qaranka".
Hay'adda Danbi Barista (C.I.D) oo fulinaysa habraaca ku xusan Qod: 24aad ee Xeerka Habka Cigaabta Soomaaliyeed ayaa baaris ku samaysay kiiska xukunsanaha, isla markaasna natiijadda baarista kama danbaysta ah u soo gudbisay Xafiiska Xeer-llaaliyaha Guud ee Qaranka, si waafaqsan Qod: 26aad ee Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed.
Maxkamadda Gobolka Banaadir o tixgalinaysa codsiga u xukunsanuhu u gudbistay ayaa soo saartay warqadda Sum:MGB/69/2022-BG, kuna Taariikhaysan 22/10/2022, taas o ujeedadeedu ahayd amar Damaanad (xoriyad ku meelgaar ah) ku sii-daysay Xukunsane Cabdalla, taas oo uu banaanka ku joogay ilaa 13/02/2023 oo ah maalintii Xukunka Maxkamadda Gobolka Banaadir lagu dhawaaqay.
Xafiiska Xeer-llaaliyaha Guud ee Qaranka oo gudanaya waajibaadka sharci ee loo igmaday ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir u gudbiyay eedaha loo haysto xukunsanaha oo ka kooban saddex qodob oo dhamaantood ah Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed kuwaas oo kala ah 219, 321, 505 CXS.
Maxkamadda Cobolka Banaadir oo gudanaysa waajibaadkeedda, ilaalinaysa Cadaaladda iyo dhex-dhexaadnimadda, ayaa dhagaysatay kiiska Cabdalla tiro Afar fadhi ah oo ay, si isku mid ah oo u siman dhinacyadda dacwadda u siisay waqti ku filan, dhagaysigii kadib Maxkamadu waxay xukunsane Cabdalla ku heshay Qod:505 XCS.
Maxkamadu waxay si faahfaahsan xukunka ugu sheegtay asbaabaha ay u cuskatay qodobka ay ku heshay, sidoo kale waxay kala laabatay Damaanadii u banaanka ku joogay, waxayna amartay in Xabsiga la geeyo si uu dhamaysto xukunkii Maxkamadda oo ahaa bil & 19 Cisho.
Taliyaha & Saraaklisha Xabsiga Dhexe ee Xamar ayaa sifo sharciga baal marsan ku sii daayay xukunsanaha, iyaga oo ka hor yimid xukunka Maxkamadda, maadaama ay siidayntu baalmarsanayd Sharciga, waxaa loo diiwaan gallyay in uu xukunsanunu yahay baxsad, waxaana Ciidanka Boolliska Soomaallyeed amar lagu siiyay in ay dib u soo xiraan xukunsanaha, si waafaqsan Qod: 35aad fagradda labaad Xarafka B ee XHCS.
Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo fulinaya amarka Hay'adda Carsoorka, isla markaasna gudanaya waajibaadkiisa Sharci, si waafaqsan Qodobadda: 9aad & 10aad ee Xeer Lam No. 2 ee 23 December 1972 "Xeerka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed" iyo Qod: 8/2aad ee Sharci Lam No. 3 ee 12-Juun- 1962 "Sharciga Nidaamka Garsoorka" ayaa gacanta ku soo dhigay xukunsanaha dibna Xabsiga Dhexe ugu soo celiyay 23/02/2023, kaas oo baxsad ahaa mudo 10 cisho ah.
Xafiiska Xeer-llaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa baaris ku wada dhacdadii Taliyaha & Saraakiisha Xabsiga Dhexe ee Xamar ku si daayeen xukunsanaha, ayna kaga hor yimaadeen xukunka Maxkamadda, waxaana natiijadda barista ka soo baxda la horgayn doonaa Maxkamadda awoodda u leh.
Xafliska Xeer-llaaliyaha Guud ee Qaranka & Hay'adaha Garsoorka dalka waxay caddaynayaan in Xukunsane Cabdalla Axmed Muumin uu u Xiran yanay si waafaqsan sharciga oo kaliya, uuna la mid yanay muwaadininta kale Soomaaliyeed ee ku xiran Xabsiyadda Dalka, isla markaasna kiiskiisu ahayn mid la xariira Sharciga Saxaafadda.
Haddaba, Xafiiska Xeer-llaaliyaha Guud ee Qaranku waxa uu ugu baaqayaa cid walba oo danaynaysa kiiskan, in ay sifo sharci ah ku raadsadaan xuquuqdooda, dhowraanna madax-banaanidda Garsoorka iyo waajibaadkiisa shaqo, lana ixtiraamo Xeerarka & Shuruucda Dalka.
GAROWE ONLINE