Xiisad ka taagan Laascaanood iyo wararkii ugu dambeeyay

Image
Image

LAASCAANOD - Wararka laga helayo magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, ayaa sheegaya in halkaas ay ka taagan tahay xiisad xooggan, oo ka dhalatay rasaas ciidamada Soomaliland ay ku fureen dad shacab ah.

Ugu yaraan Labo haween ah ayaa ku dhaawacmay rasaasta lagu furay dad ku banaanbax ka dhan ah Somaliland ka dhigayay Suuqa magaalada, kaasoo ka dhashay isku dhaca Dadka iyo ciidanka Booliska.

"Isku dhaca wuxuu yimid markii Baabuur ay saarnaayeen ciidanka Somaliland iyo midka uu Shacab watay uu soo kala dhex-galay muran dhanka wado marista ah," waxaa sidaan GO u sheegay wariye-yaasha ku sugan magaalada.

Banaanbaxyaasha ayaa wadooyinka ku gubay taayaro, iyagoo ku qeylinaya erayo ka dhan maamulka Muuse Biixi, waxayna dalbanayeen inay Ciidamada Somaliland isaga baxaan guud ahaan Gobolka Sool, iyo deegaanada ay ka joogaan.

Dibad-baxyada looga soo horjeedo Somaliland ayaa hada ka socda magaalada, iyadoona ay isugu soo baxeen Bolaal qof wadooyinka waaweyn, kuwaasoo isugu jira, Haween, Caruur iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Banaanbaxyada oo socday maalmihii u dambeeyay ayaa waxay kusoo aadayaan iyadoo xiisadda colaadeed ay dhextaallo maamulada Puntland iyo Somaliland, taasoo salka ku haysa arinta Tukraq iyo guud ahaan gobolka Sool.

Puntland ayaa horey ugu eedaysay Somaliland inay jirdil, xarig, caburin iyo hanjabaadyo ku geyso Shacabka Laascaanood, waxayna ku cel-celisay inay ka xoreyn doonto ciidamada maamulka Hargeysa deegaanada gobolka Sool.

Colaada ayaa waxay sare u kacday markii bishii January ee sanadkan ay dagaal ku qabsadeen ciidamada Somaliland deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, halkaasoo horey u joogeen Ciidamada difaaca Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM