Xildhibaan Coonka: "mooshin banaanka laga keenay aqbali mayno"

Image

November 15, 2014 (GO)- Xildhibaan Cabdulaahi Axmed Xuseen Coonka oo kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee kasoo horjeeda mooshinka laga keenay xukuumadda Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed ayaa faah faahiyey sababta keentay inay mooshinkaas ka hor yimaadaan.

Xildhibaanka oo waraysi gaar ah siiyey Radio Garowe ayaa sheegay in mooshinkaasi sharci ahayn maadaama aanu ka imaan baarlamaanka dhexdiisa haseyeeshee dibadda laga soo abaabulay.

"mooshinka waxaa asaaskiisa ah inuu ka bilowdo golaha gudihii, mooshinkaan waa mooshin banaanka laga soo abaabuley, anaguna raali kama noqon karno wax banaanka ka yimid..." ayuu yiri

Isagoo sii hadlaya wuxuu intaas raaciyey inaysan ka tanaasuli doonin mowqifkooda isagoo xusay in taas micnaheeduna ahayn inay cid ku colaadinayaan balse afkaarta lagu kala duwanaan karo.

Dhanka kale Xildhibaan Coonku wuxuu sheegay in Guddoonka Baarlamaanku isku dayey inuu dhex dhexaadiyo labada garab ee xildhibaannada islamarkaana dhinac kasta laga codsaday inuu keeno 11 xildhibaan oo metela, haseyeeshee qorshahaas xildhibaannada mooshinka keenay kasoo horjeesteen.

Fadhigii baarlamaanka ayaa mar kale maanta buuq iyo sawaxan kusoo idlaaday, kadib markii xildhibaanada mooshinka diidani kulanka fawdeeyeen iyagoo fursad siin diidey guddoonka baarlamaanka oo qaybin lahaa mooshinka laga keenay xukuumadda si maalmaha soo socda ka doodistiisa loo bilaabo kadibna codka kalsoonida loogu qaado.

GAROWE  ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM