Xildhibaan dhowaan lagu doortey Jubaland oo geeriyooday

Image
Madaxwayne Axmed Madoobe ayaa si tiiraanyo leh uga tacsiyeeyay geerida marxuum Kuulow.

KISMAAYO, Jubaland - Maxamuud Maxamed Kuulow oo dhowaan Xildhibaanimo loogu doortay Jubaland  ayaa meydkiisa laga helay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.

Kuulow oo laamaha ammaanka Kenya wali ka hadlin geeridiisa ayaa ku fadhiyey kursiga summadiisu tahay #HOP079. Illaa hada lama hubo sababta uu u geeriyooday marxuumku.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa si tiiraanyo leh uga  tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Xildhibaanka, sida laga soo xigtey qoraal kasoo baxay xafiiskiisa.

Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in marxuumku uu kamid ahaa bulshada dadka waxgalka u ah ee kasoo qeyb qaatay shaqooyin badan oo ay ugu muhiimsan yihiin arimaha bulshada oo door muuqda uu ku lahaa isagoo kamid ahaa dadka sida weyn u garab istaagay Dowladnimada Jubaland wakhtigiisa iyo maalkiisana u huray.

"Waxaa Madaxweynahu uu si gaar ah tacsi ugu diray eheladii iyo qaraabadii uu marxuumku uu ka baxay isagoo alle uga baryay inuu janadii fardowso ka waraabiyo," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda.

Dhanka kale, qoraal kasoo baxay Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland ayaa looga tacsiyeeyay geerida Alle ha’unaxariistee sharci-dejiye Kuulow.

"Maxamuud Muxumed Kuulow waxaa si weyn loogu xusuusta doorkii uu ku lahaa shaqooyinka muhiimka ah ee Dowladda Jubaland qeybaheeda kala duwan gaar ahaan arimaha bulshada oo uu si weyn uga dhex muuqday," ayaa la raaciyey qoraalka.

Marxuum Kuulow ayaa wuxuu noqdey mudanihii ugu horeeyay ee kamid ah baarlamaanka 11aad ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee geeriyooda isaga oo aan la dhaarin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM