Xildhibaan Jindi oo iska fogeeyay warar laga faafiyay
MUQDISHO, Soomaaliya – Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Maxamed Jindi oo ka mid ah musharaxiinta ku sugan magaalada Beledweyne ayaa iska fogeeyay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo xiriiray in uu maleeshiyaad taabacsan weerar ka fuliyeen xerada lamagalaay ee magaaladda Beledweyne.
Jindi oo la hadlay Idaacadda maxaliga ah ee Kulmiye ayaa sheegay in kulan gaar ah ay shalay madaxtooyada Hirshabeelle ee Beledweyne kula yeesheen Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas Yuusuf Dabageed oo isagu casuumay.
Xildhibaan Jindi ayaa sheegay in intii kulanku socday banaanka madaxtooyada ay ka bilaabatay rasaas xoog leh, taas oo argagax badan ku abuurtay asaga, musharaxiintii kale iyo Yuusuf Dabageed oo ay shir kula jireen.
“Shirka oo gabagabo ku sii dhow ayay albaabka madaxtooyada ka bilaabatay rasaas aad la isugu riday, argagax badan ayaa jiray, ma jirin cid war ka heysay waxa socda iyo halka laga soo abaabulay,” ayuu yiri Jindi.
Sidoo kale xildhibaanka ayaa sheegay been abuur ku tilmaamay warar sheegayey in waxa qalalaasaha Beledweyne ka kiciyey uu qeyb ka yahay kursiga beeshiisa ee HOP010 oo 5-tii sano ee lasoo dhaafay uu ku fadhiyey.
“Haba yaraatee ma jiraan wax aniga ama dadka aan metelo ku kalifaya in ay hub qaataan oo wax laayaan oo arbushaad intaas la eg ay u soo baxaan, marka wixii dhacay ma naqaano cida geysatay iyo sababtii ka dambeysay,” ayuu yiri Cabdirisaaq Jindi.
Wararka laga baahiyey dagaalkii shalay Beledweyne ka dhacay waxaa qeyb ka ahaa in xiisadu ay salka ku heyso kuraas uu madaxweyne ku xigeenka maamulkaas la doonayo in loo xiro xubno ay wadato Villa Somalia.
“Madaxweyne ku xigeenku wuxuu noo sheegay in dhaqdhaqaaq badan uu magaalada ka jiro, loona baahan yahay in la dejiyo xaaladda, si doorasho nabdoon loo qabto, intaas ayuu nagala hadlay, waxuuna balan qaaday sidii habeen hore ay noola hadleen isaga iyo Cali Guudlaawe in qof gaar ah aan kursi loo xiri doonin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jindi.
Xerada Lamagalaay ee iska hor imaadku ka dhacay waxaa ku taala aqalka madaxtooyada Hirshabeelle, kan maamulka gobolka Hiiraan iyo hoolka lagu qabanayo doorashada kuraasta Golaha shacabka, waxaana ku wada sugan gudaha xeradaasi boqolaal ciidan oo ka kala amar qaata madaxda Hirshabeelle, Xildhibaanadda waqtiga ka dhamaaday iyo kuwa isbadal doonka ah.
GAROWE ONLINE