Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka oo ku dhintay Muqdisho

Image
Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa sheegay in marxuumka uu ahaa halyeey waqti badan geliyay dowladnimadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabaka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Maxamuud Seeyseey oo xalay goor dambe ku geeriyooday magalada Muqdisho.

"Waxaan murugada iyo xanuunka la qaybsanayaa qoyska, ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamuud Maxamed Seeyseey oo xalay goor dambe ku geeriyooday magaalada Muqdisho," ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa sheegay in marxuum-ka uu ahaa halyeey waqti badan geliyay dowladnimadda.

Wuxuuna Alle uga baryey marxuumka inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo samir iyo iimaan ka siiyo qoyskiisa, xildhibaannadda Golaha Shacabka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE


 

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM