Xildhibaan la tuhunsan yahay in la sumeeyay oo xaaladiisa laga deyrinayo

Image
Illo wareedyo caafimaad ayaa Garowe Online u sheegay in mudanaha lagu qaadey Diyaarad Ambalaas ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo ka mid ah mudanayaasha mucaaradka ku ah maamulka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay fiidkii diyaarad loogu qaaday magaalada Nairobi kadib markii xaaladiisa caafimaad ay sii liidatay.

Diyaarad Ambalaas ah oo kireysan ayaa ka qaaday Muqdisho. Xildhibaanka ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ku jiray isbitaal, waxaana ilo dhanka caafimaadka ah ay sheegeen in xaaladiisa ay ka sii dartay, taasoo keentay in qoyskiisu ay go’aan degdeg ah ka gaaraan in loo soo wareejiyo Nairobi si loogu daweeyo.

Xildhibaan Jacfar ma ahan oo kaliya mucaarad caan ah balse sidoo kale waa mid ka mid ah hogaamiyayaasha fara ku tiriska ah ee Muqdisho ku sugan oo haysta cutubyo hubeysan.

Dhowaan, waxaa la sheegay in lagu daray liiska mucaaradka oo loo arko "in ay khatar weyn ku yihiin" Madaxtooyadda Soomaaliya gaar ahaan inuu xukunka sharci darro kusii joogo Xasan Sheekh.

Illaa haatan, si dhab ah looma xaqiijin karo waxa sababay xanuunka lama filaanka ah ee Xildhibaanka. Balse, illo ku dhow qoyskiisu waxay Garowe Online u sheegeen in la sumeeyay sharci-dejiyaha.

Dhakhaatiir ka tirsan Isbitaalka Digfeer halkaas oo mudanaha labadii maalmood lasoo dhaafay ku sugnaa ayaa GO waxay u sheegeen in ay rumeysan yihiin in Xildhibaanka lagu sumeeyay shey aysan aqoonsan wali.

"Tilmaamaha keenay tuhunka ah la sumeeyay waxaa kamid ah inuu caloosha ka fuuray waxayna u badan tahay in sunta loogu qariyay shey uu liqay ama cunay," ayay sheegeen dhakhaatiirta oo codsadey in aan magacyadooda la sheegin.

Labo todobaad ka hor ayay ahayd markii Xildhibaan Jacfar iyo koox mucaarad ah ay Muqdisho kulan kula qaateen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ka mid ah siyaasiyiinta sida weyn u mucaaradsan Villa Somalia.

Tuhunka la xiriira in la sumeeyay Xildhibaan Jacfar oo walaac badan ku abuuray Xildhibaanada mucaaradka ah ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay baaqdeen dhamaan labadii kulan ugu dambeysay ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Mudada xilleedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh ee 2012 ilaa 2016, waxaa laga takhalusay Xildhibaano badan kuwaas oo maalin cad ah dilal qorsheysan loogu geystay magaalada Muqdisho waxaana muuqanaysa in cabsidaas ay mar kale soo laabaneyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Ismaaciil Geelle oo kawada hadlay ammaanka Soomaaliya

Madaxwayneyaasha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa shir gaar ah waxay ku yeesheen magaaladda Jabuuti.

  • Soomaliya

    21-10-2024

  • 09:44AM

Dowladda Soomaaliya oo ku fashilantay gudbinta warbixin muhiim ah

Warbixintan oo ah waajib daruuri ah ayaa waxay ku saabsan tahay ka hortagga hubka wax gummaadda.

  • Soomaliya

    21-10-2024

  • 06:46AM