Xildhibaan Mucaarad ku ah Maamulka Xasan Sheekh oo Kursigiisa waayay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - C/llaahi Xaashi Abiib, oo katirsanaa Gollaha Shacabka ayaa waayay kursigiisa Xildhibaanimo, sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Sheekh Aadan Maddoobe.

Qoraal uu soo saarey Sheekh Aadan Madoobe ayaa lagu sheegay uh Xildhibaan Abiib uu waayay kusriga kadib markii uu soo xaadiri waayo kulamada labo kal-fadhi, waxaana go'aankan loo cuskadey qodobka 59aad ee Dastuurka Soomaaliya.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku dhawaaqay inuu banaan yahay kursiga HOP#201, oo matelaya gobollada waqooyi [Somaliland]. Xildhibaan Abiib ayaa aad u dhaliila dowladda Federaalka, isagoo soo bandhiga qoraallo ku saabsan musu-maasuqa hay'adaha dowliga iyo Bangiga Dhexe.

Xildhibaanka ayaan wali ka hadlay g'aanka Sheekh Aadan Madoobe, oo imaanaya xili Xubno badan oo kamid ah Baarlamaanka ay ugu baaqeen Madaxweynaha dowladda Federaalka inuu is-casilo, iyagoo ku eedeeyay fashilka amniga iyo xiriirka dibadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo Mar Kale Xaqiijiyay Taageerada Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya

Wasiirradu waxay sidoo kale muujiyeen taageeradooda hay’adaha sharciyeysan ee dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 08:05AM

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda oo ku dilay 30 Al-Shabaab Koonfurta Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan 16 sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-01-2026

  • 05:21PM