Xildhibaan Seeyseey oo Aas Qaran loogu sameeyay Muqdisho

Image
Marxuumka ayaa todobaadkan waxa uu ku geeriyooday magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Maxamed Nuur [Aadan Madoobe] ayaa Masaajidka Shuhadada ee Madaxtooyadda Qaranka uga qeyb galay salaada jannaasada Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamuud Maxamed Seeyseey.

Aadan Madoobe waxaa weheliyaan xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Marxuumka ayaa wuxuu ku geeriyooday magaaladda Muqdisho.

Ku simaha madaxweynaha ayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, xildhibaannada Golaha Shacabka oo uu ka tirsanaa iyo qoyska uu ka baxay uga tacsiyadeeyay geerida marxuumka.

Waxa uuna Eebe ugu baryay in uu samir iyo iimaan ka siiyo, isagana naxriistiisa jano ka waraabiyo.

Marxuumka ayuu ku tilmaamay in uu ahaa halyeey qaran oo waqti dheer geliyay dhismaha dowladnimadda dalka, waxaana uu Alle uga baryey marxuumka inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo samir iyo iimaan ka siiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM