Xildhibaan Seeyseey oo Aas Qaran loogu sameeyay Muqdisho

Image
Marxuumka ayaa todobaadkan waxa uu ku geeriyooday magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Maxamed Nuur [Aadan Madoobe] ayaa Masaajidka Shuhadada ee Madaxtooyadda Qaranka uga qeyb galay salaada jannaasada Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamuud Maxamed Seeyseey.

Aadan Madoobe waxaa weheliyaan xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Marxuumka ayaa wuxuu ku geeriyooday magaaladda Muqdisho.

Ku simaha madaxweynaha ayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, xildhibaannada Golaha Shacabka oo uu ka tirsanaa iyo qoyska uu ka baxay uga tacsiyadeeyay geerida marxuumka.

Waxa uuna Eebe ugu baryay in uu samir iyo iimaan ka siiyo, isagana naxriistiisa jano ka waraabiyo.

Marxuumka ayuu ku tilmaamay in uu ahaa halyeey qaran oo waqti dheer geliyay dhismaha dowladnimadda dalka, waxaana uu Alle uga baryey marxuumka inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo samir iyo iimaan ka siiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM