Xildhibaanka kusoo baxay kursiga HOP-86 oo diray fariin siyaasadeed

Image
Dr Maxamed Xaaji ayaa la fahamsanyahay in uu ka midyahay xisbiga madaxweyne Xasan Sheekh.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanka cusub ee loo doortay kursiga HOP-86 Dr Maxamed Xaaji oo hadlay ayaa sheegay in uu ka shaqayn doono sidii loo sixi lahaa tabashooyin dhexmaray dadka uu matalo iyo Soomaalida.

Mudanaha oo lagu doortey magaalada Muqdisho Sabtidii todobaadkan ayaa tilmaamay in "dhibaatadan ay ka dambeeyeen mas’uuliyiin hore oo uusan magacooda sheegin".

Sharci-dejiyaha oo kusoo baxay hanaan doorasho oo gacan-taag ah ayaa waxa uu intaas ku daray in uu kursiga usoo doontay si uu uga qeybgalo talada ugu saraysa ee dalka.

“Tan iyo sanadkii 2000 markii lasoo doortay Carte, kursigan waxaa markasta buuxin jirey qof culumo ah, aqoonyahan ah, miisaan culus, tiina waa ay sii socotaa," ayuu yiri Dr Maxamed.

Dr Maxamed ayaa waxa uu carabka ku dhuftey in loosoo jeediyay tallooyin badan oo ah in uusan siyaasadda galin, balse taasi badelkeeda uu doortay in uu wax ku biiriyo talada dalka.

Kursiga HOP086 ayaa ahaa kan kaliya ee laga reebay dhammaan doorashooyinkii dhacay, kadib markii la sheegay in uusan si sharci ah kusoo bixin markii kursigaasi Baladweyne loogu doortay Fahad Yaasiin.

Dr Maxamed Xaaji ayaa la fahamsanyahay in uu ka midyahay xisbiga madaxweyne Xasan Sheekh, doorashadiisana ay ahayd dhacdo siyaasadeed oo looga tashaday illaa heerka ugu sareeya dalka.

Wasiirka waxbarashada Faarax Cabdiqaadir oo kursigan horey ugu fadhiyay ayaa ka tanaasuley in uu u tartamo, isaga oo goostay in uu xoogga saaro dhanka wasaaradda waxbarashada oo qorsheyaal kala duwan fulineysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM