Xildhibaano cusub oo kusoo biiray kuwa mooshinka diidan

Image
Image

November 20, 2014 (GO)- Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ee kasoo horjeeda mooshinka laga keenay xukuumadda Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta mar kale magaalada Muqdisho ku kulmay.

Kulanka oo looga hadlay xaaladda dalka iyo saamaynta uu mooshinku ku yeeshay guud ahaan hay'addaha dowladda waxaa sidoo kale lagu soo dhoweynayey dhowr xildhibaan oo ku jirey xildhibaanadii mooshinka soo gudbiyey hadase kusoo biiray kuwa diidan.

Xildhibaanadaas waxaa afkooda ku hadlayey Xildhibaan C/laahi Cumar Abshirow oo sheegay in sababta go'aankoodii hore u bedeleen tahay kadib markii ay arkeen in qaabka wax u socdaan dalka wax dan ahi ugu jirin, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Kulanku markii uu soo gaba gaboobay waxaa laga soo saaray war-murtiyeed afar qodob ka koobnaa una qornaa sidan:

  1. In la taageero Golaha Wasiirrada oo shaqadoodii si habsi ah u socoto, anagoo ku bogaadinaynaa go'aamada ay ku ansixiyeen labo Hindise  Sharciyeed iyo Miisaaniyadda 2015 taas oo la xiriirta Hiigsiga 2016.
  2. Waxaan Madaxweynaha uga digaynaa faragelinta joogta ah oo uu ku hayo golaha Xukuumadda, iyadoo markii ay diideen Baarlamaanku mooshinka sharci  darrada ah uu bilaabay inuu kala qeybiyo golihii Wasiirrada taas oo keeni  karta curyaamin shaqadii dowladda.
  3. Waxaan taageeraynaa baaqyada Beesha Caalamka iyo go'aamadii kasoo baxay shirka Copenhagen ee ku aadan in aan waqtigaan loo baahayn in la carqaladeeyo hiigsiga 2016, looguna baaqayo hoggaanka Soomaaliyeed inay  midoobaan oo u turaan ummada Soomaaliyeed, arrintaas oo si cad u sheegaysa  in Madaxweynuhu joojiyo mooshinka uu wado, kuna taageero Ra'iisul Wasaaraha  iyo Xukuumadda howsha muhiim ka ah ee ay gacanta ku hayaan.
  4. Waa in la ilaaliyo midnimada Baarlamaanka, lagana hortago wixii carqaladaynaya howsha baarlamaanka oo ay ahayd in uu meel-mariyo howlaha  horyaala kalfadhiga 5-aad ee ay usoo gudbiyeen golaha Wasiirrada.

Afar maalmood kahor ayey ahayd markii sidan oo kale xildhibaanada mooshinka kasoo horjeedaa u kulmeen, waxayna arimahani kusoo aadayaan xilli beesha caalamku cadaadis ku saareyso madaxda Dowladda Federaalka inay heshiiyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

UN: Ugu yaraan 1,500 ayaa qarax ugu dhintay gudaha Soomaaliya 2023-kii

Warbixinta sanadlaha ee Qaramada Midoobay ayaa lagu soo bandhigay tirokoobkan.

  • Soomaliya

    21-09-2024

  • 04:14PM

Deni oo baaq u diray madaxda Dowladda federaalka iyo maamulada

Furitaanka Shirka sanadlaha ah ee Nabadda oo ay qabato Xarunta Horumarinta iyo Cilmi baarista Puntland ee (PDRC) ayuu hadalkan ka sheegay.

  • Soomaliya

    21-09-2024

  • 12:40PM