Xiriirka Somalia iyo Britain oo walaac xooggan laga muujiyey

Image

November 19, 2014 (GO)- Su'aalo badan ayaa ka taagan xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Britain, xilli Qaramada Midoobay ku andacoonayso in si khaldan looga faa'iideystey deeqaha dhaqaale iyo habacsanaanta cuna-qabateynta hubka.

Iyadoo hay'adaha gargaarku ka digayaan macaluul mar kale ka dillaacda Soomaaliya ayaa waxaa kordhay Su'aalaha layska weydiinayo xiriirka dowladda Britain la leedahay Madaxweynaha Soomaaliya, kadib warbixintii kormeereyaasha Qaramada Midoobey ee lagu sheegay inuu ku kacay musuqmaasuq xiriirna la leeyahay al-Shabaab.

Caroline Lucas oo ah xildhibaanad ka tirsan xisbiga (Green Party) ayaa sheegtay inay bishan (November) su'aalo u gudbin doonto baarlammaanka si ay u hesho macluumaad ku saabsan aragtida Dowladda Britain ee ku aadan eedaymaha musuq maasuqa iyo heshiiska shidaalka ee muranka dhaliyey.

"kooxda koormeereyaasha Qaramada Midoobay waxay dhowr mar walaac xoogan ka muujisay musuq maasuqa ka jira Soomaaliya iyo hawlaha wax u dhimi kara cuna-qabateyntii hubka ee Dowladda Britain horay u taageertay. Su'aalahayga baarlamaanku waa isku day la doonayo in lagu ogaado xaqiiqada" Luca ayaa sidaas tiri.

"wararka la xiriira heshiisyada shirkadaha shidaalku la galeen Dowladda Soomaaliya iyo ku xadgudubka cuna-qabateyntu waa wax aad looga walaaco" ayey hadalkeeda sii raacisay.

Kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan kormeerka Soomaaliya iyo Eritrea taasoo dusha kala socota cuna-qabateymaha Qaramada Midoobay, waxay warbixinteeda sanadlaha ah u gudbisey Golaha Ammaanka bishii Ocotber. Warbixinta waxaa lagu sheegay in weli hubka iyo rasaasta lagu iibiyo suuqyo furan iyadoo dowladuna balan qaadeyso inay arintaas wax ka qaban doonto.

Qorayaasha warbixintu waxay kusoo eedeeyeen Muuse Xaaji Maxamed Ganjab oo sida ay sheegeen la-taliye u ah Madaxweynaha inuu ku lug leeyahay heshiisyo hub looga iibiyey kooxda al-Shabaab.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa baahisey in Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud beeniyey marna Ganjab inuu la taliye usoo noqday isagoo sheegay inuusan jirin qof kamid ah dadka ka ag dhow oo ku lug leh gudbinta hubka dowladda. Ganjab oo ah ganacsade Soomali-Cnadian ah wuuu beeniyey isna eedeynta loosoo jeediyey.

Si kastaba, eedaymaha ayaa keenay sheki cusub oo laga qaaday Madaxweyne Maxamuud oo ahaan jirey macallin jaamacadeed iyo nin arimaha bulshada u ololeeya kahor intaan loo dhaarin xilka madaxweynaha bihsii September 2012.

Qorayaasha warbixintu waxay yiraahdeen: " musuq maasuqa ku laran nidaamka dowliga ahi weli isbedel la taaban karo ma sameyn, mararka qaar xaaladu wayba kasii dartay. Kooxda kormeereyaashu waxay si joogto ah u helayeen cadeymo muujinaya hanti lunsi lagu qiyaasay inta u dhexeysa 70-80%. Taasi waxay muujineysaa in deeqaha ka imaanaya caalamka loo adeegsado in lagu maalgeliyo axsaab siyaasadeed oo khatar ku ah nabadda iyo xasiloonida"

Deeq-bixiyeyaal caalami ah oo Britain hormuud ka ahayd ayaa Soomaaliya u balan qaaday lacago badan oo dib loogu dhisayo. Golaha Ammaanku March 2013 wuxuu ogolaaday inuu khafiifiyo cuna-qabateynta labaatanka sano mudada ka badan saarneyd Soomaaliya, inkastoo xubnaha Golaha qaarkood arintaas walaac ka muujiyeen.

Dowladda Britain si gaar ah waxaa u dhaawacaya eedaymaha lagu xusay warbixintii Qaramada Midoobay ee sheegaya in shirkad fadhigeedu yahay London oo lagu magacaabo Soma Oil & Gas heshiis shidaal baaris ah la gashay Dowladda Soomaaliya bishii August sanadkii hore ee 2013.

"heshiiska marna si rasmi ah looma shaacin mana ogolaan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya inkastoo Golaha Wasiirradu meel mariyeen" warbixinta kooxda kormeereyaasha Qaramada Midoobay ayaa sidaas lagu yiri.

Xogta ay hesho shirkadda Soma Oil & Gas waxaa bedelkeeda la siin doonaa xuquuq ay kusoo dalban karaan 12 shati oo kuwa shidaal baarista ah, kuwaasoo laga sameyn doono dhul gaaraya 60,000km oo labo jibbaaran.

Shirkadda Soma Oil ayaa u sheegtay wakaaladda Reuters in "shuruudaha guud ee heshiiska" lasoo bandhigay. Shirkaddu waxay sidoo kale sheegtay in adduun lacageed oo gaaraya $37 milyan oo doolar ku maal gashatey soo ururinta xogihii hore ee shidaal baarista, casriyeyntooda iyo weliba ururinta macluumad cusub oo dhanka badda ah.

Waxaa jirtey rajo laga qabay in Dowladda Xasan Sheekh ku guuleysan doonto inay awoodeeda ku baahiso meelaha ka baxsan Muqdisho iyadoo taageero ka heleysa ciidamada nabad ilaalinta ee ka socda Midowga Afrika. Si kataba, maamulka ayaa u muuqda mid khilaafaadka dhexdiisa ka jiraa curyaamiyeen.

Xigasho: The Guardian

GAROWE ONLINE

Related Articles

UN: Ugu yaraan 1,500 ayaa qarax ugu dhintay gudaha Soomaaliya 2023-kii

Warbixinta sanadlaha ee Qaramada Midoobay ayaa lagu soo bandhigay tirokoobkan.

  • Soomaliya

    21-09-2024

  • 04:14PM

Deni oo baaq u diray madaxda Dowladda federaalka iyo maamulada

Furitaanka Shirka sanadlaha ah ee Nabadda oo ay qabato Xarunta Horumarinta iyo Cilmi baarista Puntland ee (PDRC) ayuu hadalkan ka sheegay.

  • Soomaliya

    21-09-2024

  • 12:40PM