XOG: Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Dagaal ay ku qaado Kismaayo

Image
Magaalada Kismaayo ayaa sidoo kale waxaa ka socda diyaar-garowga doorashada Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Jubaland.

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar laga heley ilo lagu kalsoon yahay oo tirsan hay’adaha amniga Jubaland, oo diidey in magacyadooda la xuso, ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qorsheyneyso dagaal ay ku qaado magaalada Kismaayo.

Xogtaan ayaa sheegaysa in qorshahaan fulintiisa gacanta ku hayo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, iyadoo hoggaaminta howlgalkaas loo xilsaarey Taliyaha cusub ee Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliya, Khaalid Cabdullaahi Cumar, oo horey u ahaa Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Jubaland (JISA). Taliyaha Ciidanka Dhulka, oo qaraabo dhow la ah Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa xilkaan loo magacaabay maalmo kadib markii uu soo shaac baxay khilaaf dastuuri ah oo u dhexeeya Madaxweyne Madoobe iyo Villa Soomaaliya.

“Kadib markii ciidanka Jubaland ay hor istaageen isku day uu Ra’iisul Wasaare Xamse damacsanaa inuu kaga soo dego garoonka diyaaradaha Kismaayo, waxaa haatan socota qorshe ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya lagu keenayo doonyo si ay gudaha magaalada uga bilaabaan weerar toos ah,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada Jubaland oo diiday in magaciisa la shaaciyo, sida uu u sheegay Garowe Online.

Dhinaca kale, 24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa Madaxtooyada Soomaaliya waxay dib u magacawdey Taliyaha guud ee Ciidanka Xoogga Dalka, Odawaa Yuusuf Raage. Odawaa, oo xilligii hore u ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa horey weerar ugu qaaday mucaaradka kasoo horjeeday dowladdii uu madaxweyne ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kuwaas oo uu kamid ahaa madaxweynaha hadda talada haya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Magaalada Kismaayo ayaa sidoo kale waxaa ka socda diyaar-garowga doorashada Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Jubaland, iyadoo ay ku sugan yihiin xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka iyo xubno iska soo casumey wasiiro.

Soomaaliya oo leh Dastuur ku dhisan nidaamka Federaalka ayaa maamul goboleedyadu waxay leeyihiin madax-bannaani ku aaddan doorashooyinkooda, iyadoo Dastuurka Federaalka uu dammaanad qaadayo xuquuqdaas madax-bannaani. Maamullada federaalka ee Soomaaliya, oo ay kamid tahay Jubaland, ayaa xaq u leh inay si madax bannaan u qabsadaan doorashooyinkooda iyagoo aan wax faragalin ah kala kulmin Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu Kala Kulmay Madaxa WHO Garoonka Diyaaradaha Sanca, Yemen?

Xuutiyiinta oo taageero ka hela Iran ayaa weerarradan ku tilmaamay kuwo “arxan-darro ah…

  • Soomaliya

    27-12-2024

  • 08:45AM

Cirro oo Ka Hadlay Dagaalka Dacawaley

Xukuumadda Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa sheegtay in dagaalku…

  • Soomaliya

    27-12-2024

  • 07:00AM