Xoog mise tab: Sidee loo fududeeyay beegsiga garoonka Muqdisho?
MUQDISHO, Soomaaliya - Al-Shabaab - xoog ama tab - midkee ayay u adeegsatay weerarka afaafka garoonka Aadan Cadde? Waa su'aasha laga yaabo in ay ka guuxeyso maskaxda qayb kamid ah bulshada Soomaaliya.
Xuseen Macalin oo ah madaxa hay’adda Hiraal Institute ee ka faallooda arrimaha amniga ah ayaa rumeysan in kooxda argagixisada aysan adeegsan xoog balse ay jirto wadashaqeyn ay ka heshay dad ku jiray gudaha.
Ugu yaraan lix qof oo isugu jira shacab iyo askari - si lamid ah dableyda howlgalka fulisay oo ahayd laba mitidiin ah ayaa ku nafwaayey falkan, sida ay Garowe Online u sheegeen illo dhanka caafimaadka.
Sida laga soo xigtey Xuseen oo lataliyaha ammaanka u soo noqdey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxweynaha waqtiga ka dhacay, tani waxay ka dhigan tahay in xoogaga adeegsadeen "tab".
"Al-Shabaab waligood ayay khatar ku ahaayeen doorashooyinka. Inkasta oo ay isku-dayo ka sameeyeen gobolada, hadana waxaa ka difaacay maamulada. Waa calaamad fashil muujinaysa in rasaas u dhaxeysa ciidamada dowladda iyo cadow ay ka dhacdey goobtii uu xilka ku wareejin lahaa madaxweyne waqtigu ka dhamaadey," ayuu u sheegay VOA Soomaali.
"Baylah noqoshada" garoonka Aadan Cadde
Goobta weerarka ka dhacay ayaa ku dhow hangarka lagu doorto madaxweynaha Soomaaliya oo ku dhextaala xerada Xalane oo ay dagan yihiin diblumaasiyiinta dalalka shisheeye kuna yaalaa safaarado.
Isaga oo hadalkiisa sii wata, Xuseen ayaa wadashaqeyn la'aanta hogaanka dalka Iskaashi la'aanta Soomaalida iyo ajaaniibta kala qeybsanaanta ciidamadda u aaneeyay in madaarka Muqdisho uu baylah u noqdo Al-Shabaab.
Khabiirkan dhanka ammaanka oo mugdi geliyey in baaritaan daahfuran lagu sameyn doono weerarkan ayaa rumeysan in Beesha Caalamka ay qayb ku leedahay weerarkan "maadaama ay kal hore ka ololeeyeen qayb kamid xalka".
"Beesha Caalamka runtii qayb ayay ku leeyihiin mas'uuliyadda maxaa yeelay waxay ku cadaadiyeen ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta in uu ka tanaasulo qodobka ku saabsanaa in uu la wareego maamulka amniga," ayuu raaciyey.
Dhacdadan ayaa kusoo aaday iyadda oo qiyaastii saddex bilood kahor ay laamaha ammaanka reer galbeedka ay cod dheer kaga digeen in xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ay beegsan karaan Xalane.
Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys xasaasi ah. Doorashada xeerdejinta ayaa dhamaad ku dhow. Xulista guddoonka labada aqal ayaa isha lagu hayaa. Ammaanka waa mid kamid ah qodobadda ugu mushkiladda badan.
GAROWE ONLINE