Xoosh oo baarlamaanka horgeeyay sharciyo lagu muransan yahay

Image
Mucaaradka ayaa shuruucdan waxay ku tilmaameen kuwa looga dan-leeyahay muddo kororsi.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Hon Ali Yusuf Ali - Xoosh ayaa horgeeyay labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Hindise Shariyeedka Doorashooyinka JFS, Hindise Sharciyeedka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda ee JFS iyo Hindise Sharciyeedka Dhismaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha kuwaas oo muhiim u ah nidaamka doorshooyinka toos ah, oo qof iyo cod ah. 

Ugu horreyn, Wasiir Cali Xoosh ayaa u mahacelieyey labada gole ee Baarlamaanka isaga oo sharxay mabaadi’da iyo  ahmiyadda Hindise Sharciyeedka isagoo yiri “ Si waafaqsan qodobka 47aad ee Dastuurka, 3da hindise xeereed waxaa lagu saleeyay mabaadi’dan soo socota:

• Damaanad qaadka xuquuqda siyaasadeed ee muwaaddinka sida ku xusan qodobka 21aad ee Dastuurka,

• Damaanad qaadka  in dhammaan muwaaddiniinta buuxiyay shuruudaha xeerku tilmaamay ay leeyihiin xaqa dhiibashada codkooda si siman;

• Sugidda geeddi-socodka doorashada, oo si sahlan loo fahmi karo xeerarkiisa, qaababkiisa iyo habraacyadiisaba, uuna fulinayo Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha;

• Sugidda in bulshada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay helaan matalaad caddaalad ah;

• Dhiirigelinaya nidaamka siyaasadeed ee xisbiyada badan, isla markaana tixgelinaya xaaladda amni iyo tan dhaqan-dhaqaale ee Jamhuuriyadda”.

Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Xildhibaan Cali Xoosh ayaa ka codsaday Xildhibaannada Labada Gole in waajibka ka gutaan, ayna ansixiyaan Shuruucda muhiimka u ah dalka ka dib marka ay waajibkooda qaran ka gutaan, wuxuuna yiri” Guddoonka labada aqal, Xildhibaannada iyo Senatarrada sharafta leh; Idinkoo qadarinaya ahmiyadda ay qaranka u leeyihiin sadexdaas hindise xeereed ee sare ku xusan oo awood u siinaaya muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay isticmaalaan xuquuqdooda siyaasadeed ee Dastuuriga ah ee ku cad Qod.21aad ee Dastuurka JFS iyo Shuruucda kale ee xeerisa Doorashooyinka dalka, lagana gudbo doorashooyinka dadban oo loo gudbo in lagu tartamo Ururro iyo Xisbiyo Siyaasadeed oo la gaaro doorasho qof iyo cod ah, loona baahan yahay in la ansixiyo Xeerarkan sadexda ah.

Waxaan si xushmad iyo qadarin mudan idinkaga codsanaynaa, adinka oo ka gudanaayo waajibkiina dastuuriga ah in aad naga aqbashaan codsigeenna oo aad ansixisaan Sadexda Hindise Xeereed ee hortiinna yaalla”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM