Xukuumadda Soomaaliya oo sameynaysa aag u gaar ah warshadaha

Image
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu dhagax-dhigay warshad cusub.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa dhagax-dhigay Warshadda Sameynta Burka oo ah tii ugu horreysay ee nooceeda ah ee ganacsato ay ka hirgeliyaan dalka burburkii kaddib.

Xamse ayaa ku bogaadiyey ganacsatada hirgelinaya warshaddan, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay u leedahay kobcinta maalgashiga gudaha, si dalkeennu uu uga baxo cunto yarida iyo gaajada.

"Xukuumadda DanQaran ayaa qorsheynaysa sannadaha dhow in la sameeyo aag u gaar ah Warshadaha, waxaana Ra’iisul Wasaaruhu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee deggan xarumaha dowladda in la banneeyo, si loogu adeeggo dalka," ayuu yiri xafiiska Xamse.

Wasiirka koowaad ayaa xusay in cunto yaridu ay tahay dhibaato weyn oo caalamka heysata, sidaas awgeedna ay xukuumaddu dhiirri-gelinayso maalgashiyada caalamiga ah iyo kuwa gudaha ee xagga warshadaha iyo wax soosaarka beeraha.

"Warshadda Burka oo ay hirgalinayaan ganacsato Soomaaliyeed ayaa waxaa ku baxaya dhismaheeda 37 milyan oo dollar, iyada oo si maalinle ah u soo saari doonta 16,000 oo kiish (Loor)," ayaa lagu soo xiray qoraalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gudoomiyah Baydhabo oo lagu soo rogay Xabsi Guri xili xiisad ka jirto Koonfur Galbeed

Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay dowladda faahfaahin dheeraad ah ka bixiso xaaladda sharciga ah ee guddoomiye Watiin.

  • Soomaliya

    22-04-2026

  • 01:27PM

Duqeyn Sirdoon Oo Lagu Beegsaday Shir Al-Shabaab lahayd; 33 Lagu Dilay

Ciidamada amniga ayaa sidoo kale sheegay inay burburiyeen gaari nooca pick-up ah oo lagu rakibay qori culus.

  • Soomaliya

    22-04-2026

  • 08:37AM