Yaa maamula ammaanka Xalane oo doorashadu ka dhacayso?

Image
Khilaafka iyo muran ka taagan amniga doorashada ayaa salka ku haaya damaca "waalan" Farmaajo ku doonayo in uu sii joogo.

MUQDISHO, Soomaaliya – Samiira Gaid oo ka hadashay Garowe Online Twitter Space ayaa sheegay in "Warqaaha xafiisyadda madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Maxamed Xuseen Roble ay yihiin kuwa siyaasadeysan".

Lataliyihii hore ee amniga ra'iisul wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre, ayaa sidoo kale warqadaha ku qeexdey "fariin u diraaya taageereyaashooda balse ay ATMIS ay masuul ka tahay amniga xerada Xalane oo ay doorashadu ka dhacayso".

“Kaalinta koowaad ee amniga Xalane waxaa iska leh howlgalka ATMIS," ayaa Samiira ka sheegtay Twetter Space Garowe Online oo lagu faaqiday amniga doorashada Soomaaliya.

Samiira ayaa sheegtay in aysan saamayn wayn yeella doodin warqadihii ka soo baxay xafiiska Rooble iyo tan Farmaajo oo jawaabta u eheyd sababtoo amniga Xalane marka la joogo waxaa ka masuul ah howlgalka Midowga Afrika.

Samiira Gaid oo horay uga soo shaqaysay dib u habaynta ciidanka ayaa sheegtay in AMISOM iyo Taliye Xijaarba ay ku qasbanyihiin in ay qaataan liiska Xildhibaanada uu soo gudbiyo gudoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka kaas oo horay u dhaariyay xildhibaanadii lagu soo doortay magaaladda Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Khilaafka iyo muran ka taagan amniga doorashada ayaa salka ku haaya in Farmaajo doonayo in 16 kursi ee lagu soo doortay Garbahaaray ay ka qayb galaan codaynta iyaga oo aan marin sharciyada guddiyada SEIT Jubbaland, FEIT iyo gudoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka.

Sida ku xusan heshiiska golaha wadatashiga qaran taliyaha booliska Soomaaliya ah madax amniga doorashada balse taliye Xijaar ayaa lagu eedeeyay in uu gabay masuuliyadiisa isla markaana la saftay madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM