​7 qof oo ku dhimatay dagaal ka dhacay gobolka Sanaag

Image

Warar ka imaanaya deegaano katirsan gobolka Sanaag ayaa sheegaya inuu jiro dagaal beleed khasaaro kala duwan dhaliyay kaasoo ilaa hadda sababay dhimashada 7 qof iyo dhaawaca 10 kale.

Dagaalkan oo ka dhextaagay beelo ood wadaag ah ayaa wararku sheegayaan inuu bilowday shalay galinkii dambe islamarkaana hakad galay xalay, inkastoo uu saaka dib u bilowday.

Lama oga sababta rasmiga ah ee isku dhaca beelaha sababtay, balse waxaa jiray khilaafaad muddo soo taagnaa taasoo keentay in labada dhinac dhowr qof iska dilaan.

Waan waan ku aadan sidii xaaladda loo qaboojin lahaa ayaa ka socota gobolka sanaag gaar ahaan deegaanada Darar-weyne iyo Dogoble.

Guddoomiyaha ugu magacaaban Somaliland gobolka Sanaag ayaa VOA u sheegay inay wadaan dadaallo ku aadan sidii loo hakin lahaa colaadda ka jirta gobolka.

Xaaladda ayaa iminka dagan, waxaase jirto dhiilo colaadeed oo deegaanka kajirta iyadoo wararku sheegayaan in gurmadyo kala duwan gaareen beelahaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM