​7 qof oo ku dhimatay dagaal ka dhacay gobolka Sanaag

Image

Warar ka imaanaya deegaano katirsan gobolka Sanaag ayaa sheegaya inuu jiro dagaal beleed khasaaro kala duwan dhaliyay kaasoo ilaa hadda sababay dhimashada 7 qof iyo dhaawaca 10 kale.

Dagaalkan oo ka dhextaagay beelo ood wadaag ah ayaa wararku sheegayaan inuu bilowday shalay galinkii dambe islamarkaana hakad galay xalay, inkastoo uu saaka dib u bilowday.

Lama oga sababta rasmiga ah ee isku dhaca beelaha sababtay, balse waxaa jiray khilaafaad muddo soo taagnaa taasoo keentay in labada dhinac dhowr qof iska dilaan.

Waan waan ku aadan sidii xaaladda loo qaboojin lahaa ayaa ka socota gobolka sanaag gaar ahaan deegaanada Darar-weyne iyo Dogoble.

Guddoomiyaha ugu magacaaban Somaliland gobolka Sanaag ayaa VOA u sheegay inay wadaan dadaallo ku aadan sidii loo hakin lahaa colaadda ka jirta gobolka.

Xaaladda ayaa iminka dagan, waxaase jirto dhiilo colaadeed oo deegaanka kajirta iyadoo wararku sheegayaan in gurmadyo kala duwan gaareen beelahaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM