Awdal: Maayarkii Xariirad oo u geeriyooday Daad qaaday

Image

BOORAMA, Somalia- Mas’uuliyiin katirsan dowladda Somaliland oo safar kusii ahaa degmada Saylac, ayaa jidka waxaa ku qaaday Daadad ka dhashay roobab ka da’ay gobolka galinkii dambe ee shalay.

Khasaaro dhimasho ay kamid tahay ayaa ka dhashay masiibaadaas, waxaana wafdigan hogaaminayay Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland.

Wararka soo gaaraya GO, ayaa sheegaya in shilkaas uu ku geeriyooday Maayarkii magaalada Xariirad oo ka tirsan Gobolka Awdal , Alla ha'unaxariistee Abuukar Xasan Guuleed.

Dooxa biyuhu ku qaateen baabuurka wafdigaas la socdeen ayaa lagu magacaabaa Sac-Waraabis waxaana uu 5km dhinaca koon-fureed ka xigaa magaalada Boon.

Gaariga daadku qaatay waxaa la socday oo bad baaday wasiirka ciyaaraha ee Somaliland Cabdirisaaq Waaberi Rooble iyo xubno kale.

Wafdigan ayaa u socday howlo ay kamid ahaayeen in dadka degmada Saylac ee gobolka Awdal qaataan kaararka codbixinta doorashooyinka Somaliland.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Dhalinyaradda iyo ciyaaraha ayaa sheegay in wasiirka dhalinyaradda iyo xubnihii la socday ay aad u fiican yihiin.

Inta badan xilliga roobabka waxaa sidaan oo kale daadad ugu geeriyooda dad tiro badan oo biyo ku qaataan biyaha qulqulaya togaga dhexmara waddooyinka isku xira magaalooyinka Somaliland qaybtood.

GAROWEONLINE

Related Articles

Somaliland oo si rasmi ah u hakisay wadahadalladii Federaalka Soomaaliya

Somaliland ayaa sheegtay in ay si taxadar leh uga fiirsan doonto xiriirka iyo wadahadallada mustaqbalka DFS, iyadoo xaaladda sii xumaanaysa.

  • Somaliland

    16-04-2025

  • 04:54PM

Soomaaliland oo Gaadiid iyo Hub ka Iibsatay Maleeshiyo Ku sugan Gobolka Sanaag

Tallaabooyinkan ayaa lagu sheegay inay muhiim u yihiin sidii loogu xasili lahaa gobolka Sanaag iyo guud ahaan Soomaaliland.

  • Somaliland

    06-03-2025

  • 09:14AM