Banaan-bax ka dhacay Hargeysa xili Somaliland wajahayso caqabado

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

HARGEYSA, Soomaaliya - Magaaladda Hargaysa ee caasimadda Maamulka Somaliland ayaa waxaa maanta oo sabti ah ka dhacay bannaan-bax lagu taageerayo dooddii Baarlamaanka UK ay ka yeesheen aqoonsiga Somaliland iyada oo wasaaradda arimaha dibada dalkaasi ay shaacisay in ay ixtiraamayaan madaxbanaanida Soomaaliya.

Banaan-baxaan oo lagu qabtay Beerta Xorriyada ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay dadweyne aad badan. Waxaa sidoo kale qayb ka ahaa madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland iyo siyaasiin kale.

Sidoo kale waxaa banaan-baxa waxaa kasoo muuqday xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada iyo Duqa Hargeysa, iyaga oo gacmaha ku sitay Calanka Somaliland, waxayan soo dhoweeyey dooda xildhibaanada UK ka yeesheen aqoonsiga Somaliland.

Baalamaanka dalka Ingriiska ayaa isbuucii hore dood dheer ka yeeshay arrinta aqoonsiga Somaliland.

Doodda oo ahayd mid dhinacyo badan ay xildhibaanada iska taageen qadiyada Somaaliland iyo sida ay dowladda UK ka yeelayso ayaa socotay muddo ka badan hal saac.

Baalamaanka dalka Ingriiska ayaa toddobaadkan gudhiisa dood dheer ka yeeshay arrinta aqoonsiga Somaliland waxaana doodu ahayd mid dhinacyo badan ay xildhibaannada iska taageen qaddiyadda Soomaaliland iyo sida ay dowladda UK ka yeelayso ayaa socotay muddo ka badan hal saac.

Somaliland ayaa tan iyo wixii ka dambeeyey 1991-kii raadineyso inay hesho madax banaani, si ay uga go’ado Soomaaliya, balse uma suura-gelin, waxaana dhowr mar dhacay wadahadallo u dhexeeyey labada dhinac oo aan weli laga gaarin natiijo wanaagsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM