Bandhiga Buugaagta Caalamiga ah oo laga furey Hargeysa

Image
Image
Image

HARGEYSA- Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland oo Furay Bandhigga Buugaagta Caalamiga ah Hargeysa 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa furay  Bandhiga Caalamiga ah  ee Buugaagta Hargeysa, kaas oo galay sanadkiisii 9 aad.  

Sanad walba waqtigan ayaà Lagu qabta Magaalada Hargeysa Bandhigan oo kaĺe waxana Soo qaban qaabisa ururka Red Sea ee uu Madaxda ka yahay Jaamac Muuse Jaamac.

Dr. Sacad ayaa soo dhaweeyey martida iyo ka soo qaybgalayaasha Bandhigan waxaanu yidhi “Waanu idinku soo dhaweynaynaa Carwada Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa ee aad uga soo safarteen kunmanaan ka kun ee Mayl”.

Bandhiga Buugaagta Caalamiga ah ee Hargeysa ayaa sanadkaan lagaga hadlayaa mawduuc muhiim ah kaas oo ah “Hoggaaminta iyo Hal-abuurka”

GAROWEONLINE 

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM