Barlamanka Somaliland oo doortey gudoomiye cusub

Image

HARGEYSA , Somaliland- Golaha Wakiilada Somaliland waxay Guddoomiye u doorteen Baashe Maxamuud Faarax oo hore usoo ahaa guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiilada.

Xildhibaan Baashe waxaa la tartamay Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanale, doorasho gacan taag ah ayaa ka dhacday golaha, waxaana 39cod ku guulaystay Baashe Maxamuud Faarax , halka Cabdiraxmaan Talyanle uu helay 38cod.

Doorashada Guddoomiyaha cusub ee Golaha wakiilada waxay timi kadib markii , Guddoomiyihii Golahaasi ee 12sano lasoo dhaafay Cabdiraxmaan Ciro uu iska casilay xilkaasi, isagoo isu sharaxay Madaxweynaha Somaliland.

Gudoomiyaha cusub iyo gudoomiyahii hore ayaa horey isugu gacan qaadey aqalka Barlamanka kadib markii codbixin muran dhalisay ka dhacdey gudaha aqalka wakiilada Somaliland.

Somaliland ayaa la filaya iney ka dhacdo doorashada madaxtinimada iyadoo ay ku tartamayaan xisbiyada kamid yihiin Kulmiye iyo Wadani.

Warkaan qayb  kamid ah waxaa nagu biiriyey Wariye Jamac Deprani.

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM