Biixi oo caddeeyay mowqifkiisa magacaabida Cabdikariin Guuleed

Image
Madaxwaynihii hore ee Galmudug ayaa loo magacaabay ergayga arrimaha wadahadalada Somaliland.

HARGEYSA, Somaliland - Somaliland ayaa soo dhaweysay ergayga gaarka ah ee madaxwaynaha dowladda federalaka ah, Xasan Sheekh Maxamuud, uu u magacaabay wadahadaladda maamulka Hargeysa.

Muuse Biixi Cabdi, hogaamiyaha Somaliland oo ka hadlay munaasabad ka dhacdey Madaxtooyadda Hargeysa, ayaa talaabadda Xasan Sheekh waxa uu ku tilmaamay "mid loo qaadey dhanka wanaagasan".

"Ninkaas loo magacaabay ergayga [Cabdikariin Xuseen Guuleed] waa nin wax badan ka yaqaano siyaasadda waana soo dhaweynaynaa," ayuu Biixi u sheegay ka qeybgaleyaasha xafladda.

Guuleed ayaa horey waxa uu usoo noqdey madaxweynaha Galmudug. Sidoo kale, wuxuu hogaaminayey ergadii dowladda federaalka ee wadahalada Somaliland muddo xileedkii hore ee Xasan Sheekh.

Dhanka kale, Biixi ayaa si aan toos ahayn waxa uu Puntland ugu eedeeyay in ay qeyb ka tahay colaadda Laascaanood waxaana uu ku dhaliilay dowladda federaalka in aysan ka hadlin arrinkaas.

"Puntland waa qeyb kamid ah dowladda federaalka ah Soomaaliya. Maanta waxay xoog iyo awood lahayd [gelisay dagaalka Laascaanood]. Waxaan leeyahay dowlada federaalka Soomaaliya hadaan gacan igu salaanta, gacanta kalana igu feerto waa balaayee, haddaynu wadahadalno dowladaa idinka kamid ah ee nagu soo duushay idinkaa la idin kaga fadhiyaa in aad wax ka qabataan," ayuu ku doodey.

Puntland ayaan si rasmi ah waxay u shaacin in ay qeyb ka tahay colaadda Laascaanood. Taas badalkeeda, madaxwayne Deni wuxuu dhowr jeer ku celceliyey in xukuumadiisa aysan ku lug-lahayd dagaalka.

Balse, Puntland ayaa ka hor-timid magacaabida Cabdikariin Guuleed kuna tilmaamtay "arrin siyaasadeed oo laga leeyahay dano gaar ah. Garowe iyo Hargeysa waxay isku-hayaan goboladda Sool, Sanaag iyo Ceyn (SSC).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo dib u eegaya heshiiskii Badda Muuse Biixi la galay Abiy Axmed

Dowladda Itoobiya ayaa hadda wadahadallo kula jirta dowladda Soomaaliya kadib heshiiskii Ankara, waxaana ay raadinaysaa marin badeed nabad ah.

  • Somaliland

    07-01-2025

  • 07:27AM

Fanaanka Qamar Suugaani oo jirdil loogu geystay magaalada Hargeysa

Muuqaalo laga duubay weerarkii Jimcihii ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, taasoo dhalisay caro.

  • Somaliland

    04-01-2025

  • 10:46AM