Guddiga loo saarey diiwaan-gelinta ururada siyaasadda

Image
Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa si weyn kaga hor-yimid xeerka lagu furayo ururada siyaasadda

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto ku magacaabay Guddida Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Sida ku xusan digreetadan lagu faafiyey ciwaanka gaarka ah ee Facebook-ga ku leedahay Madaxtooyada Somaliland, magacaabidan ayuu Biixi u cuskadey qodobada kala ah;

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Somaliland

Markaan Arkay: Qodobka 3aad ee Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda, Xeer Lr. 14/2011;

Markaan Arkay: Qaraarka Maxkamadda Dastuurka ee Summaddiisu tahay MSD/DDL/01/2022, kuna taariikhaysan 16/01/2022;   

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Mas'uuliyiinta uu magacaabay waxay kala yihiin;

1. Maxamuud Axmed Obsiiye Xubin.

2. Siciid Maxamed Cilmi Xubin.

3. Muxiyaddiin Yuusuf Ibraahim Xubin.

4.  Aadan Geedi Qayaad Xubin.

5. Cabdalle Ibraahim Maxamed  Xubin.

6. Mukhtaar Cabdi Jaamac  Xubin.

7. Maxamed Xasan Cabdi Badde Xubin.

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa si weyn kaga hor-yimid xeerka lagu furayo ururada siyaasadda ayaga oo ku sifeeyay isku-day la doonayo in Biixi loogu sameeyo kororsi taasoo ay diideen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM