Biixi oo sharaxay wadahadalkii telefoonka Farmaajo iyo Rooble

Image
Hogaamiyaha Somaliland ayaa markii ugu horeysay wuxuu si furan uga hadlay wadaxaajoodkan.

HARGEYSA, Somaliland – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlayay furitaanka wajiga 1aad ee qaaraanka Suuqa Hargaysa ayaa u mahadnaqay dhamaan madaxdii uga soo tacsiyaysay masiibadii suuqa Waaheen, wuxuuna sigaara u xusay madaxda iyo ganacsatada Soomaaliyeed.

Biix, ayaa sheegay in ay lasoo hadleen madax tirro badan markii masiibadu dhacday kadib, wuxuuna sheegay in dhamaan Soomaalida Geeska Afrika, ay garab istaag u muujiyeen.

"Dhowr iyo afartan dowladood ayay madaxdoodu iga soo tacsiyaysay urruradana hadal kooda daa, baarlamaanada daa, dadka jaarka ah ee Af-soomaaliga ku hadla iyaga meelmay ay joogaanba, ka adhiga la jooga, ka geela la jooga ka magaalo jooga, qof soomaali ah oo aan arrinta ka gil gilan oo gurmanayn malaha" ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi

Muuse oo si gaara u xusay madaxda dowlada Faderaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in ay lasoo hadleen, una soo tacsiyeeyeen isaguna uu u mahadnaqay.

"Muqdisho labada madaxda u ahi way ila soo hadleen madaxweynaha iyo raysal wasaaruhu, madaxweynaha Maxamed Cabdillaahi Farmaajo wuu isoo wacay, wuu iga tacsiyadeeyay, waan u mahadnaqay, waxaa isoo wacay ra'iisal wasaaraha, waa i tacsiyadeeday waa uga mahadnaqay" ayuu hoosta ka xariiqay.

Hoggaamiyaha Somaliland ayaa sheegay in kadib markii uu ra'iisal wasaare Rooble lasoo hadlay, uu ku wargaliyay in uu usoo dirayo lacag uu Baanka Adduunku Somaliland usoo diray oo muddo ku xanibnayd qasnada dowlada Soomaaliya.

"Wuxuu ku daray isagu, waxaan idiin haynaa lacag la idiin soo diray oo  Baanka Adduunku bari hore soo diray, oo howlihii inaga dhexeeyay halkan u taalay, lacagtaa waxaanu ku dadaalaynaa in lasoo diro, waxan ku idhi waxad usoo dirtaa deg deg, sidii losoo saari karayaba, waaba ta ugu horaysa ee aanu suuqa Waaheen wax kaga qabanayno ninka diidan iyo ninka murmaya gabigeedaba waxaanu galinaynaa suuqa gubtay"

Waxa uu hadalkiisa ku daray "Waxanan aad ugu mahadnaqaya ganacsatada Muqdisho ee markiiba shiray, ee dareenka muujiyay".

Madaxweynaha Somaliland ayaa sannadkii hore mar uu ka hadlayay munaasibada 26 Juun, sheegay in ay qasnada dowlada Soomaaliya ku  xanibantahay ku dhawaad 70 milyan oo adduunku ugu talo galay horumarinta Somaliland balse hada waxaa la siiyay ku dhawaad 12 Milyan oo dollar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Itoobiya oo xiray xadka maamulka Somaliland

Talaabadan ayaa timid kadib iska horimaad xooggan oo ka dhacay degmada Xarshin.

  • Somaliland

    25-12-2024

  • 08:51AM

Madaxwayne Cirro oo gudoomiyay shirkii koowaad ee xukuumadiisa

Madaxtooyadda Somaliland ayaa kulankan waxay ku qeexdey isbarahso iyo qeybinta hagaha xukuumadda.

  • Somaliland

    15-12-2024

  • 12:54PM