​Cali Gallayr oo Laas-caano ka dagay

Image

LAAS-CAANOOD, Somalia- Hogaamiyaha maamulka la magac-baxay Khaatumo Cali Khaliif Gallayr ayaa maanta ka dagay magaalada Laas-caanood ee xarunta gobolka Sool kadib safar uu saaka kagasoo amba baxay dalka Jabuti.

Wararka ku saabsan safarkaas ayaa sheegaya in Cali Khaliif loo diiday inuu yimaado Buuhoodle halkaas oo 6 bishan loo diiday inuu ka dhoofo.

Safarkiisa Laas-caano, waxaa ka dambeeyay mas'uuliyiin katirsan Somaliland oo wada-hadal kula lahaa magaalada Jabuuti, kuwaas oo horay ugu suuro galiyay inuu ka dhoofo Hargaysa.

Qof goob jooge ah oo Warsidaha GO la hadlay, ayaa sheegay in Cali Khaliif u socdaalay deegaanka Widh-widh.

Wuxuu kusoo aaday inuu kasoo dago Laas-caano xilli uu horay ugu doodi jiray in magaaladan xarun u tahay maamulka Khaatumo islamarkaana xoog lagu haysto.

Dadka kasoo jeeda gobolladaas ayaa diidan wada-hadalka uu kula jiro maamulka Somaliland taasoo keentay in Buuhoodle lagu xanib oo dib loo celiyo diyaarad qaadi lahay kudhawaad Labo Todobaad kahor.

Khaatumo oo Afar sano ka hor la dhisay ayaa sheegata inay ka taliso deegaano ay ku muransanyihiin Puntland iyo Somaliland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM