Digniintii la rumeysan waayay ee baajin kartay dabka Hargeysa

Image
Qiyaastii 2,000 oo xarumo ganacsi ayaa ku burburay "musiibadan qaran" ee xalay ku habsatay Hargeysa.

HARGEYSA, Somaliland - Qiyaastii 2,000 oo xarumo ganacsi ayaa ku burburay dab xoogan oo "musiibo qaran ah" oo xalay fiidkii qabsadey suuqa ugu weyn caasimada maamulka gooni-isu-taaga Somaliland ee Hargeysa.

Illaa lix gaari oo dab-damis ah ayaa ka qeyb-qaatay howlgalka daminta kuwaasoo laba kamid ah ay gurmad ahaan kaga yimaadeen ismaamulka Somali State ee ka tirsan dowladda federaalka ah ee Itoobiya.

Ku dhowaad 20-saacood ayaa looga adkaadey dabka maadaama suuqa uu ahaa mid isku-raran ah isla markaana saacadihii ugu horeeyay ay ciidamadda waayeen marin ay u maraan goobta uu dabka ka bilowday.

Illaa haatan, ma jiro tirokoob rasmi ah oo lagu sameeyay hantida ku baaba'dey dabka. Guddiga ayaase loo saarey u gurmashadda ganacsatadda ay dhibaatadda soo gaartey iyadda oo xukuumada ay ugu deeqdey $1 milyan.

Digniintii "la rumeysan waayay"

Taliyaha guud ee ciidamadda dab-damiska Soamliland, Axmed Maxamed Xasan [Sawaaxili] oo u waramay warbaahinta KFD, ayaa sheegay in uu dhowr jeer uga digay ganacsatadda "in ay ku dhex-baayac-mushtarayaan bam".

"Bacaadlaha Hargeysa in badan baan ka digay oo aan yidhi war bam baa tiilay oo maalintii ay idin kugu qaraxdo xoolihiina waxba kasoo hari maayo. Waa lay rumeysan waayay laakiin xalay runtay ogaadeen," ayuu yiri Sawaaxili.

Sawaaxili oo hogaaminayey ciidamadda dab-damiska ee bakhtiijiyey dabka ayaa ugu baaqay ganacsatadda in ay dib uga fekeraan qaabka naqshadda suuqa ayna ku sameeyaan casriyeyn u sahlay gurmad hadii dab kale kaco.

"Howlgalka dab-daminta waxaa ugu muhiimsan goorta la arko, goorta loo yeero dab-damiska iyo saxmada. Xalay waxaa nasiib ku yeelanay in ay habeen ahayd. Maalin khasaaraha intaan wuu ka badan lahaa," ayuu xusay.

Dareenka indhaha caalamka ee dabka

Madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka telefoonka kula hadlay hogaamiyaha Somaliland, Muuse Biixi cabdi, ayaa u muujiyey midnimo, sida ay shaacisay Villa Soomaaliya.

Ra'iisul wasaaraha boqortooyadda Ingiriiska, Boris Johnson oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga, ayaa ku nuux-nuux-sadey in London ay qaadeyso door kasta oo ay "ku caawin karto dhibaneyaasha".

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo qoraal soo dhigay ciwaankiisa Facebook-ga, ayaa yiri: "Waxa aan shaki ku jirin in ay ka bixi doonaan dhibkaas oo ay dib u dhisi doonaan magaaladoodii quruxda badnayd. Anaguna waanu garab taaganahay sidaan had iyo jeerba waxba uga hakranin".

Dabkan ayaa kusoo beegmaya xilli Muuse Biixi uu dhowaan kasoo laabtey socdaal uu ku tagay Mareykanka uuna isku diyaarinayo olole uu u galo sidii uu dib ugu soo laaban lahaa madaxtinimada oo loolan uu ku wajahayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Itoobiya oo xiray xadka maamulka Somaliland

Talaabadan ayaa timid kadib iska horimaad xooggan oo ka dhacay degmada Xarshin.

  • Somaliland

    25-12-2024

  • 08:51AM

Madaxwayne Cirro oo gudoomiyay shirkii koowaad ee xukuumadiisa

Madaxtooyadda Somaliland ayaa kulankan waxay ku qeexdey isbarahso iyo qeybinta hagaha xukuumadda.

  • Somaliland

    15-12-2024

  • 12:54PM