Diiwaangelinta codbixiyaasha oo dib uga bilameysa Somaliland

Image

HARGEYSA- Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay daah-furka  bilowga diiwaangelinta codbixiyayaasha gobolka Maroodi-jeex oo bilaabi doonta maalinta Sabtida ah ee ku beegan 30 April, 2016

Munaasibad ballaaran oo lagu qabtay magaalada Hargeysa, isla-markaana uu kasoo qaybgalay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayey komishanku si rasmi ah ugu soo bandhigeen  hannaankii diiwaangelinta codbixiyayaasha looga hirgelin lahaa gobolka Maroodi-jeex, waxana ay shaaciyeen inay shaqaalihii iyo agabkii kale oo loo baahnaaba diyaariyeen. 

Caasimadda Hargeysa ayaa shacabka ku dhaqan loo qorsheeyey inay iska diiwaangeliyaan 79-goobood, waxana hoos iman doono goobo kale oo degmooyinka Sallaxley, faro-weyne, daarasalaam iyo Laasgeel oo ka baxsan caasimadda ah, waxana xusid mudan in degmooyinka Gabiley iyo Balli-gubadle hore diiwaangelinta looga soo dhameeyey. 

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo munaasabadda lagu daah-furayey diiwaangelinta codbixiyayaasha gobolka Maroodi-jeex  ku dhawaaqay, ayaa caddeeyey inay ka go’an tahay doorashooyinka madaxtinimada iyo kuwa wakiillada ee horraanta sanadka dambe qorshaysani wakhtigooda ku qabsoomi doonaan. 

Diiwaangelinta codbixiyayaasha Somaliland oo haatan saddex gobol hore laga soo gebogebeeyey, ayaa fure u ah doorashooyinka madaxweynenimo iyo kuwa wakiillada ee lagu wado inay Somaliland ka dhacaan bisha saddexaad ee sanadka 2017.

GAROWEONLINE

Related Articles

Somaliland oo si rasmi ah u hakisay wadahadalladii Federaalka Soomaaliya

Somaliland ayaa sheegtay in ay si taxadar leh uga fiirsan doonto xiriirka iyo wadahadallada mustaqbalka DFS, iyadoo xaaladda sii xumaanaysa.

  • Somaliland

    16-04-2025

  • 04:54PM

Soomaaliland oo Gaadiid iyo Hub ka Iibsatay Maleeshiyo Ku sugan Gobolka Sanaag

Tallaabooyinkan ayaa lagu sheegay inay muhiim u yihiin sidii loogu xasili lahaa gobolka Sanaag iyo guud ahaan Soomaaliland.

  • Somaliland

    06-03-2025

  • 09:14AM