Dilal ka dhacay magaalada Laas-caano

Image

LAAS-CAANO, Somalia- Dad shacab ah aya siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada Laas-caano ee xarunta gobolka Sool, sida ay sheegayaan warar aan ka helnay dad goob joogayaal u ahaa falalka lagu khaarajiyay dadkaas.

Mallayshiyaad hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan ayaa dilay labo kamid ah dadka deegaanka.

Raga lagu dilay xalay gudaha magaalada laascaanood ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Cabdixakiin Ducaale iyo  Jaamac Cabdi waxaana wararku sheegayaan in kooxihii dilka geestay ay baxsadeen.

Majirto ilaa hadda cid ka hadashay weerarada lagu dilay labadaas nin oo dhacay xalay xilliyo kala duwan.

Ilaa hadda cidna looma soo qaban weerrada lagu khaarajiyay raggaas oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Ciidamada maamulka Somaliland ee gacanta ku haya Laas-caano ayaa wada baaritaano ku aadan sida ay wax u dhaceen iyagoo ku raad-jooga raggii falkaas gaystay.

Lama garan karo sababta loo dilay raggaas.

Weerarka ayaa kusoo aaday xilli amniga Laas-caano uu ahaa muddooyinkii dambe mid aad u wanaagsan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM