DP World oo lagu wareejiyay Dekadda Berbera

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BERBERA, Somaliland- Maamulka Somaliland ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejiyay shirkada DP World Dekadda maamulka dekedda Berbera  kadib hishiis 25 sano ah oo sannadkii hore labada dhinac kala saxiixdeen.

Xaflad maanta lagu qabtay gudaha dekedda ayaa Madaxweyne Siilaanyo kusoo dhaweeyay tallaabada Shirkadaas kula wareegtay dekadda, wuxuuna xusay in tartan ganacsi uu ka taaganyahay Geeska Africa.

Qorshahan Dekedda Berbera ayuu xusay in faa'iido weyn ugu jirto dhalinyarada Somaliland ee la dhibaatoonaya shaqo la'aanta.

Siilaanyo ayaa qiray  in xukuumaddiisu ay dedaal dheer u gashay maalgashiga dekedda Berbera iyo ballaarinteeda oo wax weyn ka tari doonta sida uu hadalka u dhigay nolosha iyo dhaqaalaha shacabka Somaliland.

Guddoomiyaha shirkaddaasi Suldaan Axmed oo hadlay ayaa isaguna soo dhaweeyay hishiiska labada dhinac, wuxuuna xusay in shirkaddan mudada ay gacanta ku hayso Marsada Berbera wax weyn kusoo kordhin doonaan.

Waxaa kale oo goob joog ahaa wasiir ka tirsan dawladda Itoobiya, iyadoo wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga Somaliland uu sheegay in 19% Itoobiya la siiyay maalgeshiga maamulka dekedda Berbera.

Bilowgii hishiiska labada dhinac waxaa kasoo horjeestay shacabka magaalada Berbera inkastoo markii dambe arrintaas la dhameeyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM