Barlamanka Somaliland oo Gacanta iskula tagay iyo Xildhibaan la xiray

Image

HARGEYSA, Somaliland - Xildhibaanada Gollaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta gacanta iskula tagey, xilli khilaaf xooggan uu ka taagan yahay Natiijada Doorashadii Afhayeenka Cusub Baashe Maxamed Faarax.

Wararka ayaa sheegay in Guddoomiyaha Cusub ee Gollaha Baashe Maxamed Faarax, iyo Xildhibaan ay ku dhaawacmeen gacan ka hadalka ka dhacay Kulankii maanta. Rasaa ayaa laga maqlay Xarunta Gollaha Wakiiladda, taasi oo ay rideen Ciidamo Illaalo u ah Xildhibaanada qaar.

Gacan ka hadalka ayaa yimid markii Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Talyanle), oo kamid ah Xildhibaanada uu sheegay inuu yahay Gudoomiyaha saxda ah, ee Gollaha Wakiiladda, isagoo sheegay in aan looga guuleysan doorashadii Gudoonka ee dhacday 6-da bishan.

Ciidamada amaanka Somaliland ayaa gudaha u galay xarunta, waxayna xireen Xildhibaan Saleebaan Cali Koore, oo u gacan qaadey Gudoomiyaha cusub ee Gollaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax iyo Askari Illalaadiisa kamid ah oo rasaas riday.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa xaqiijiyay xariga Xildhibaan Saleebaan Koor iyo xubno kale oo maanta u gacan-qaadey Baashe, sidoo kalena fowdo ka kiciyay aqalka Wakiilada.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo kamid ah Xisbiga Mucaaradka WADDANI, iyo Baashe Maxamed Faarax oo KULMIYE katirsan ayaa ku tartamay Doorashadii 6-dii bishan ee Gudoonka sare. Baashe ayaa kusoo baxay kadib markiii uu helay 39 cod, halka Tayanle isna helay 38 cod.

Bishii September, ee Sanadkii 2015-kii ayaa sidan oo kale gacanta iskula tagey Gudoomiyihii hore ee Aqalka Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro, iyo ku xigeenkiisa xilligaasi Baashe Maxamed Faarax, kadib markii ay ku murmeen mooshin ku saabsanaa in haamaha shidaalka ee Berbera uu Madaxweyne Siilaanyo ku wareejin karo shirikado gaar ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Somaliland oo si rasmi ah u hakisay wadahadalladii Federaalka Soomaaliya

Somaliland ayaa sheegtay in ay si taxadar leh uga fiirsan doonto xiriirka iyo wadahadallada mustaqbalka DFS, iyadoo xaaladda sii xumaanaysa.

  • Somaliland

    16-04-2025

  • 04:54PM

Soomaaliland oo Gaadiid iyo Hub ka Iibsatay Maleeshiyo Ku sugan Gobolka Sanaag

Tallaabooyinkan ayaa lagu sheegay inay muhiim u yihiin sidii loogu xasili lahaa gobolka Sanaag iyo guud ahaan Soomaaliland.

  • Somaliland

    06-03-2025

  • 09:14AM