Garabka Jamaal oo qaadacay shirweynaha xisbiga UCID

Image

HARGAYSA, Somaliland- Garabka Jamaal Cali Xuseen ee qaban qaabada shirweynaha xisbiga mucaaradka UCID, ayaa ku dhawaaqay inay qaadaceen kulankaas kadib markii Faysal Cali Waraabe ku dhawaaqay inuu yahay murashax madaxweyne.

Xubnahan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargaysa, ayaa sheegay in shirweyne aysan dhici karin iyadoo xisbigu uusan lahayn Guddoomiye, waxayna taas badalkeeda ku dhawaaqeen in la isugu yimaado shir deg deg ah hogaanka sare xisbiga lagu doorto.

Waxay ku doodeen inaysan wada hadli karin garabyada is-haya ilaa laga helo hogaan xisbi, iyagoo ku dhawaaqay in 06 November, 2016 qaban doonaan kulan lagu doorto Guddoomiye.

Shirweynaha garabka ay qaadaceen ayaa waxaa go'aamisay maxkamadda Somaliland kadib markii ay is-qabteen Faysal Cali Waraabe iyo Murashax Jamaal Cali Xuseen.

Lama oga sida dhinaca kale u aqabali doonaan waqtiga xubnahan sheegayaan in doorasho lagu qabto.

Xisbiga UCID, ayaa muddooyinkii dambe galayay fowdo siyaasadeed iyo is-qab qabsi u dhaxeeya madaxdooda, waxayna arrintan kusoo aaday iyadoo waqti yar ka harsantahay doorashada madaxtooyada ee maamulka Somaliland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM