​Garabka Jamaal oo wada-hadal la furay WADDANI IYO KULMIYE

Image

HARGAYSA, Somaliland- Murashaxa madaxweynaha xisbiga mucaaradka ee UCID, Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay in garabkiisu wada hadal siyaasadeed la furay xisbiyada KULIMIYE iyo WADDANI.

Wuxuu beeniyay in garabkiisu uusan ku biirin xisbi gooni ah, balse ay wadaan wadahadallo ku aadan sidii loo bad-baadin lahaa UCID,  isagoo xusay inay dhawaan magacaabi doonaan 5 xubnood oo arrimaha socda hormuud u noqoto.

"Waxaan ku war gelinaynaa dhamaan taageerayaashii Xisbigga UCID ee garabkayaga ahaa (NEW UCID) ee jeclaana inuu xisbiggani guuleysto, in aanay jirin weli xisbi aanu ku biirnay. Waxaa jiray wada hadalo hordhac ah oo aanu la yeelanay hogaamiyayaasha labadda Xisbi ee Kulmiye iyo Waddani. Waxaanu inshallah dhowaan bilaabi doonaa in aanu magacowno guddi 5 qof ka kooban oo wadahadalo toos ah la geli doona labadda xisbiba. Wadahadalaasi natiijadda ka soo baxda ayeeynu ku go’aan qaadan doonaa dhamaanteen,"Ayuu yiri Jamaal Cali Xuseen oo u hadlay Garabkiisa ee xisbiga UCID.

Jamaal, ayaa intaas ku daray in mudnaanta koowaad siinayaan hormarka iyo midnimada Somaliland," Wadatashi faro badan waynu ka geli doonaa sidii aynu cududeena u midayn lahayn. Iyaddoo taasi jirto haddana waxaynu mar walba mudnaanta siinaynaa midnimadda iyo wadajirka Somaliland. Ilaahay qarankan Somaliland haw gargaaro; xaqana haw hiiliyo".

Arrintan ayaa soo shaac baxday iyadoo muran xoog leh ka jiro garabyada uu u kala qaybsamay xisbi siyaasadeedka UCID ee maamulka Somaliland, waxaana socda dadaallo labada garab-ba wadaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM