Golaha deegaanka Burco oo labo Mayor yeeshay

Image

BURCO- Muran xooggan, ayaa ka taagan golaha deegaanka ee degmada Burco, kadib markii qaar kamid ah xildhibaannadu ku dhawaaqeen inay doorteen Maayar cusub oo ay ku baddeleen midkii hore.

Xildhibaanno tiradooda lagu sheegay ilaa 11-mudane, ayaa maalintii shalay kulan ku qabsaday hotel ku yaalla magaalada Burco, waxayna ku dhawaaqeen inay guddoomiye u doorteen xildhibaan Cabdirisaaq Shiine Falliir, halka ku-xigeenna uga doorteen xildhibaan Muxmed Xasan Xoday oo horeyba xilkaas u hayey.

Xildhibaanada ayaa sheegaya inay xilkii ka qaadeen maayarkii hore, kadib markiia ay ku eedeeyeen inuu ka gaabiyey waxqabadkii degmada Burco laga filayey in laga hirgeliyo.

Maxamed Muraad oo mayor kasoo noqday degmada Burco, ayaa diiday xilka-qaadista xildhibaanada qaarkood ku sameeyeen, waxuuna tilmaamay inay sharci darro tahay oo uu isagu wali yahay maayarka rasmiga ah ee degmadu leedahay.

Magalada ayaa saaka sidii hore ka duwanayd, waxaana la keenay ciidamo tiro badan oo la dhoobay xarunta dowladda hoose ee degmada Burco.

Majirto waxa tallaabo ah oo ay qaaday xukuumadda Somaliland gaar ahaan wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Wasiirka hawlaha guud, Gaadiidka iyo guryeynta Somaliland Cali Marreexaan, ayaa ku sugan magaalada Burco, waxana xildhibaanada maayarka cusub doortay ku eedeeyeen inuu masuul ka yahay dhibka ka taagan Burco islamarkaana la safanyahay Maayorkii hore.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM