Guddiga doorashooyinka Somaliland oo go'aan ka gaaray jadwalka doorashada

Image

HARGEYSA, Soomaaliya - Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa maanta go'aan ka gaarey doorashada ururada iyo mida madaxtooyada oo muranka ka taagna, iyaga oo ka soo saaray war-murtiyeed oo lagu cadeeyey jadwalka doorashada.

Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay in doorashada ururada siyaasadda ay kasoo horeyso doorashada madaxweynaha, waxaana la qabn doonaa dhamaadka sanadkan, gaar ahaan 28-ka December.

Guddiga ayaa sidoo kale mudeeyey doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-Xigeenka, taasi oo la qaban doono bisha November ee sandka soo socda 2024.

Guddiga doorashada ayaa ugu baaqay goleyaasha sharci dejinta in ay soo dhameystiraan qabyooyinka sharci, iyaga oo ka codsaday dhinacyada ay doorashada khuseyso in ay la shaqeeyaan guddiga si aan mar kale doorashada dib loo dhigin.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in xisbiyada mucaaradku ay soo saaraan war-murtiyeed ay ku diidayaan go’aanka Guddiga,iyagoo dalbanaya in doorashada madaxtooyada laga hormariyo tan ururada.

Muranka ku saleysan nidaamka doorashada ayaa khalkhal galin kara ammaanka Somaliland. Haddii madaxdu ay gaari waayaan xal waddar-oggol ah oo ay ku qancsanyihiin dhamaan dhinacyada is heysta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo si rasmi ah u hakisay wadahadalladii Federaalka Soomaaliya

Somaliland ayaa sheegtay in ay si taxadar leh uga fiirsan doonto xiriirka iyo wadahadallada mustaqbalka DFS, iyadoo xaaladda sii xumaanaysa.

  • Somaliland

    16-04-2025

  • 04:54PM

Soomaaliland oo Gaadiid iyo Hub ka Iibsatay Maleeshiyo Ku sugan Gobolka Sanaag

Tallaabooyinkan ayaa lagu sheegay inay muhiim u yihiin sidii loogu xasili lahaa gobolka Sanaag iyo guud ahaan Soomaaliland.

  • Somaliland

    06-03-2025

  • 09:14AM