Miyuu Gudoomiye Cabdirisaaq Khaliif ka baxay maamulka Somaliland?

Image
Wararka lagu kalsoonyahay waxa ay sheegayaan in Cabdirisaaq Khaliif uu gebi ahaanba ku biiri doono madaxda kacdoonka.

HARGEYSA, Somaliland - Guddoomiyihii golaha wakiilada Somaliland ayaa dhaliyay fulkaano siyaasadeed kadib markii uu noqday mas’uulkii ugu sareeyay Somaliland oo kasoo horjeedsada dagaalka maamulka Muuse Biixi ka waddo gobolka Sool.

Hadalkii uu ka jeediyay Laascaanood ee ahaa in xukuumadda Muuse ay aqbasho baaqii Garaadada ee ahaa in ay kasoo horjeedaan gooni isu taagga, islamarkaasna hoostagaan dowladda federaalka ayaa loo fasirtay in uu ka baxay maamulka Somaliland, lana saftay kacdoonka SSC.

Cabdirisaaq Khaliif ayaa hadalkaas waxa uu taageero horleh uga helay dadka gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, oo isaga ku matelayay Somaliland. Hase ahaatee, waxaa aad looga dhibsadey hadalkiisa meelo kale oo ay kamid tahay Hargeysa.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Koore oo warbaahinta la hadlay, ayaa guddoomiyaha ku eedeeyay in uu ka shaqaynayo hawlo kasoo horjeedda qaranimada Somaliland.

Ma cadda tallaabooyinka xiggi doona, balse wararka lagu kalsoonyahay waxa ay sheegayaan in Cabdirisaaq Khaliif ay suurta-gal tahay inuu iska casilo xilka Gudoomiyaha Gollaha Wakiilada Somaliland, kuna biiri doono kacdoonka SSC ee ka ka socda LaasCaanood oo uu hadda ku sugan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland Oo Beenisay Hadal uu yiri Wasiir katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya

Somaliland waxay ahaaneysaa dal madax-bannaan, xasilloon, oo nabad ku jirta. Dadkeennu waa mid mideysan oo adkaysi leh.

  • Somaliland

    08-12-2025

  • 07:53AM

Somaliland oo mamnuucday in E-VISA oo Dowladda Soomaaliya soo saartay lagu tago Hargeysa 

Arrintan waxay ka mid tahay khilaafka muddo dheer ka taagnaa maamulka hawada iyo maamulka guud ee hawada Soomaaliya.

  • Somaliland

    09-11-2025

  • 07:36AM