Guurtida Somaliland oo Guddi u saaray dib u dhigista doorashada

Image

HARGAYSA, Somaliland- Golaha Guurtida Somaliland, oo manta kulan ku yeeshay magaalada Hargaysa xarunta maamulkaas ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dib u dhigista doorashada Madaxtooyada oo horay u isugu waafaqeen xukuumadda iyo axsaabta siyaasadda.

Kulankan ayaa aad loo hadal hayay inay Guurtidu caddayso mowqifkooda kaga aadan dib u dhigista doorashada, balse taasi lama shaacin oo Guddoomiyaha golahaas ayaa sheegay inay manta ka hadlay hadlayaan arrimaha kale ee Somaliland.

Guddoomiyaha ayaa Guddi ka kooban 21 xubnood u xil-saaray inay kasoo talo bixiyaan qaabka laga yeelayo doorashada oo muddo lix bilood ah dib loo dhigay.

Waxay sidoo kale kasoo arrinsan doonaan qaabka laga yeelayo hay’adaha kale ee muddo xileedkoodu dhammaadka yahay.

Muddo labo cisho ah ayay haystaan Guddigan inay soo gudbiyaan mowqifka Guurtida ee kaga aadan dib u dhigista doorashada Somaliland.

Arrimo ay ugu weyntahay abaaraha ka jira maamulkaas ayaa keentay in dib loo dhigo doorashada Somaliland oo la filayay inay dhacdo bishaan aan ku jirno.

Lama oga talada ay qaadan doonaan, balse waxaa loo badinayaan inay ku raacaan golaha wakiillada iyo guddiga doorashada oo aqbalay talo soo jeedinta xukuumadda iyo axsaabta siyaasadda maamulkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Somaliland oo mamnuucday in E-VISA oo Dowladda Soomaaliya soo saartay lagu tago Hargeysa 

Arrintan waxay ka mid tahay khilaafka muddo dheer ka taagnaa maamulka hawada iyo maamulka guud ee hawada Soomaaliya.

  • Somaliland

    09-11-2025

  • 07:36AM

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM