​Hargaysa: Bandhig faneed laga joojiyay Nasteexo Indho

Image

HARGAYSA, Somaliland- Waxaa xalay hakad la galiyay bandhig faneed ay qaban lahayd fannaanada Nasteexo Indho oo dhawaan tagtay magaalada Hargaysa caasumadda Somaliland halkaasoo ay qorshaynaysay inay ku qabato xaflado  kala duwan.

Go'aan kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Diinta iyo aw-qaafta Somaliland ayaa lagu hakiyay arrintaasi, waxaana lagu wargaliyay ciidamada ammaanka inay tagaan hotelka loo diyaariyay bandhiggaasi oo lagu magacaabo Crown.

Dadaallo ay sameeyeen fannaaniinta reer Hargaysa ee qorshaha la waday ayaa suuro gali wayday , waxaana dadaallo ay sameeyeen wasiirka Arrimaha Gudaha iyo taliska Booliiska gaashaanka ku dhuftay wasiirka wasaaradda Arrimaha Diinta.

Joojinta fankaasi ayaa loo cuskaday tallaabadii ay magaalada Garowe kaga dhawaaqeen culimaa'uddiinka magaalada kuwaasoo kasoo horjeestay in Bandhig ay ku samayso fannaanaddan katimi dhinaca Qurbaha.

Wararka ku xeeran joojinta fanka Nasteexo ayaa sheegaya in wasaaradda Arrimaha Diinta iyo aw-qaafta Somaliland loo gudbiyay muuqaallo iyo go'aamadii culimaa'uddiinka Garowe kaasoo lagu sheegay bandhig faneedka Nasteexo wax u dhimayso diinta iyo dhaqanka Somalida.

Waa markii ugu horraysay oo magaalada Hargaysa lagu joojiyo xaflad ay samaysanayaan fannaaniin iyadoo horay ay ugu dhigteen hobollo ka yimi dhinaca qurbaha.

Majirto wax war ah oo dhinaca fannaanada Nasteexo Indho kasoo baxay kaasoo ku aadan joojin bandhig faneedyadii ay timi waddanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM