​Hargaysa: Mayd laga helay goob dhisme kasocday

Image

HARGEYSA- Goob dhisme guri laga waday oo ku taalla xaafadaha dhinaca Waqooyi ee magaalada Hargeysa, ayaa maanta laga helay lafaha meydad tiradooda lagu sheegay ilaa toddoba qof oo carruur iyo dad waaweyn iskugu jira, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen qoyskii dhismahaas iska lahaa.

Maydkan, ayaa muddo dheer halkaas ku aasnaa, waxaana la helay xili la waday jeexitaanka aas-aaska guriga, iyadoo la sheegay inay dhammaantood hal god oo aan wax badan hoos usii qodnayn ku jireen.

Lafihii dadkaasi dhintay ayaa weli yaalla goobtii laga helay, waxaana gacanta ku haya qoska gurigooda goobta laga dhisayay.

Ma jirto cid xukuumadda katirsan oo wali halkaas gaartay, balse waxaa lagu wargeliyey ciidamada ammaanka iyo Dawladda Hoose.

Goobo badan oo caasimadda Hargeysa ku yaalla, ayaa marar badan laga helay lafaha meydad raagay oo sidan oo kale ah.

Dhawr jeer oo hore ayaa sidaan oo kale magalada Hargaysa waxaa looga helay maydad dad dhintay waqti hore, laakiin majirto cid ku samaysay baaritaan la xiriira waqtiga lagu aasay goobahaas iyo sababta keentay in dhawr qof hal god la gasho. Balse, dadka kasoo jeeda gobollada Waqooyi ayaa sheega inay dadkaasi dhinteen waqtigii dalka Somalia xukumayay Milleterigu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM