​Is-rasaasayn dhexmartay ciidamo katirsan Jabuti iyo Somaliland

Image

Iska horimaad ka dhaca badweynta u dhaxaysa Jabuuti iyo maamulka Somaliland, ayaa keentay dhimashada hal askari iyo dhaawaca labo qof oo midkood yahay kabtanka markab ka diiwaangashay dalka Masar oo kusugnaa goobta dagaalku ka dhacay.

Isku dhaca labada ciidan, ayaa keentay kadib markii ciidamo katirsan kuwa Badda Jabuti rasaas ku fureen markab kalluumaysi ruqsad ka haysta Somaliland, waxaana intaasi kadib rasaas isweydaarsaday ciidamada Jabuti iyo kuwa maamulkaasi.

Guddoomiyaha gobolka Salal ee Somaliland Farxaan Xasan Cabdi ayaa VOA-da u sheegay in ciidamada badda ee Jabuuti ay ka soo gudbeen xadka biyaha u dhaxeeya labada waddan, kadibna rasaas ku fureen markab laga leeyahay dalka Masar oo ka kalluumaysanayay badda dhinaca Somaliland.

Arrintan ilaa hadda kama hadlay xukuumadda Jabuti, balse wararka ka imaanaya dhinaca Somaliland ayaa sheegaya inuu socdo wadaxaajood islamarkaana dhacdadan dhawaan kawada hadli doonaan wasiirro katirsan labada garab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Somaliland Oo Beenisay Hadal uu yiri Wasiir katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya

Somaliland waxay ahaaneysaa dal madax-bannaan, xasilloon, oo nabad ku jirta. Dadkeennu waa mid mideysan oo adkaysi leh.

  • Somaliland

    08-12-2025

  • 07:53AM

Somaliland oo mamnuucday in E-VISA oo Dowladda Soomaaliya soo saartay lagu tago Hargeysa 

Arrintan waxay ka mid tahay khilaafka muddo dheer ka taagnaa maamulka hawada iyo maamulka guud ee hawada Soomaaliya.

  • Somaliland

    09-11-2025

  • 07:36AM