​Jabuuti oo deeq gaarsiisay Somaliland

Image

Dowladda Jabuuti, ayaa deeq raashin ah gaarsiisay dadka tabaalaysan ee ku dhaqan Somaliland gaar ahaa goobaha abaaruhu saameeyeen kuwaasi oo mudooyinkii dambe xaaladooda nololeed laga dayrinayay.

Deeqdan raashinka ah ayaa lagu wareejiyay guddiga loo xilsaaray gurmadka abaaraha maamulkaasi, waxaana kala wareegista raashinkan ka dhacday xadka labada dhinac wadaagaan.

Xaflad kooban oo loo qabtay gurmadkan, waxaan mas'uuliyiinta kasocda dhinaca Jabuti sheegeen inay ku faraxsanyihiin qaabka deeqdan looga gudoomay iyagoo tilmaamay inay kasoo jawaabeen qaylo dhaan soo dirsadeen wakiillada shacabka Somaliland.

Dhinaca kale mas'uuliyiinta deeqdan la wareegay ayaa bogaadiyay tallaabada dowladda Jabuti.

Raashinkan ayaa lagu waday 11 gaari oo nooca xamuulka qaada, waxaana la sheegay in loogu talo galay gobollada Awdal iyo Salal ee Somaliland kuwaasi oo xaladoodu aad u liidato.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM