Khaatumo oo ku biirtey Somaliland, Heshiis lagu gaarey Caynabo [AKHRI]

Image

CAYNABO, Somaliland - Madaxweynaha Somaliland Axmad Maxamad Maxamuud " Siilaanyo"oo booqasho ku marayey maalmahaan gobolada Barri ee maamulkaas ayaa maanta heshiis kula saxiixdey magaalada Caynabo Madaxweynaha maamulka khaatumo Cali Khaliif Galeyr kaasoo ka koobnaa Sideed qodob.

Heshiiskaan oo uu akhriyayo qodobadiisa Wasiirka Arimaha Dibada ayaa noqonaya mid maamulkii Khaatumo ee uu sheegi jirey inuu madax ka yahay Cali Khaliif Galeyr si buuxda uga biirey dowlada Somaliland.

Khaatumo ayaa qaar ka tirsan dadka daga gobolada Sool, Sanaag iyo Buhoodle kaga dhawaaqeen magaalada Taleex iyadoo dhidbada loo taagey sanadkii 2012.

Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr oo kamid ahaa Barlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa loo doortey xilkaan sanadkii 2014 kadib markii doorasho uu kaga adkaadey Maxamad Yusuf Jaamac ( Indhosheel). 

Cali Khaliif Galeyr ayaa horey heshiis ula galey dowlada Somaliland magaalada Hargeysa balse dib u dhacey hirgalintiisa kadib markii kulan loo balamey in magaalada Burco lagu qabto ka qabsoomi waayey dhinaca Madaxtooyada Hargeysa.

Hehsiiska Caynabo oo qodobadiisa ka koobnaayeen ayaa u qoraa sidatan:

1-In la helo cadalaad, sinaan iyo nabad kuwada noolaansho.
2.In la wada ilaaliyo jiritaanka iyo madax banaanida Somaliland .
3.In Khilaaf kasta oo jira lagu dhameeyo wada hadal iyo jid nabadeed
4.In la ilaaliyo midnimada iyo nabad ku wada noolaanshaha
5.In Distuurka Somaliland dib loo furo si loo helo awood qeybsi ku saleysan cadaalad iyo sinaan , guddi joogto ahna arintaas loo saaro
6.In  Somaliland iyo Hay’adaha sama falkuba ay ka hawl galaan sidii Mashariic wax ku ool ah looga hir galin lahaa deeganada Sool iyo Sanaag .
7.In ciidamada Khaatumo la qarameeyo oo wadanku yeesho ciidan qaran oo suga xuduudihiisa.

Dhinaca kale Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ayaa bartiisa uu ku leeyahay Faceebook ugu mahad celiyey odaaysha gobolada Sool soo dhoweynta loo sameeyey isaga iyo waftigii Madaxweyne Siilaanyo isagoo sheegey in heshiiskaan la'aantood uusan hirgali laheyn.

 

Related Articles

Somaliland Oo Beenisay Hadal uu yiri Wasiir katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya

Somaliland waxay ahaaneysaa dal madax-bannaan, xasilloon, oo nabad ku jirta. Dadkeennu waa mid mideysan oo adkaysi leh.

  • Somaliland

    08-12-2025

  • 07:53AM

Somaliland oo mamnuucday in E-VISA oo Dowladda Soomaaliya soo saartay lagu tago Hargeysa 

Arrintan waxay ka mid tahay khilaafka muddo dheer ka taagnaa maamulka hawada iyo maamulka guud ee hawada Soomaaliya.

  • Somaliland

    09-11-2025

  • 07:36AM