Lacagta Somaliland ku bixisay safarkii Biixi oo la shaaciyay

Image
Muuse Biixi ayaa dhawaan safar ku tagay dalka Maraykanka, isaga oo la shiray xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Maraykanka.

HARGEYSA, Somaliland – Wakiilkii hore ee Somaliland u fadhiyey dalka Maraykanka Rashiid Gaaruf, oo ka hadlay Safarkii Muuse Biixi ku tagay dalka Maraykanka iyo marxaladihii uu soo maray xiriirka Hargeysa iyo Washington ayaa sheegay in dhaqaale badan lagu bixiyay sidii Muuse u tagi lahaa dalka Maraykanka.

Rashiid Gaaruf oo qoraal ku baahiyey Internet-ka, ayaa sheegay in Safarka uu Madaxweyne Biixi ku tagay Maraykanku uu “meeqaam sare gaarsiiyey xiriirka Somaliland, balse ay arrintan ka shaqaysay shirkad Somaliland kiraysatay, taasi oo bil walba la siin jiray lacag gaaraysa 25 kun dollar.

“Dawladda Muuse Biixi Cabdi ayaa muddo sannad iyo bar ku dhow siinaysay lacag dhan $25000 dollar bil kasta shirkad lobby inooga Washington DC. Shirkadan oo keentay guusha aad maanta arkayso ee Waftigu keenay. Shirkadan oo albaabo aad u badan u furtay wakiilkeena iyo xafiiska Somaliland ee Washington DC," ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Waxa uu intaasi ku daray “Xiriirka Somaliland iyo Maraykan markasta wuxu taagnaa oo la inagu oran jiray “haddaad doonaysaan inaad xiriir USA la yeelataan, Muqdishu soo mara markaasaynu wada xaajoonaynaa.” Xaaladdu halkaasay taagnayd 26 sano” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Muuse Biixi ayaa dhawaan safar ku tagay dalka Maraykanka, isaga oo la shiray xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Maraykanka.

Intii uu Muuse Biixi joogay Washington, Senataro sare oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa soo saaray sharci muhiim ah, oo isbeddel weyn ku sameyn kara habka Mareykanka ula macaamilo Somaliland.

Senatorada kala ah Chris Van Hollen (D-Md), Jim Risch (R-Idaho) iyo Mike Rounds (R-SD.) oo ka tirsan guddiga arrimaha dibedda ee Senate-ka ayaa soo saaray sharci loogu magac daray Somaliland Partnership Act (Xeerka Saaxiibtinimada Somaliland), kaasi oo Waaxad Arrimaha Dibedda Mareykana ku amraya inay Congress-ka warbixin ka siiso la-macaamilka Somaliland.

Wuxuu sidoo kale farayaa, in ayada oo la-tashi la sameyneysa Waaxda Gaashaandhigga, in ay darsaan aas-aaska xiriir toos ah oo dhex mara Mareykanka iyo Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM